Dagaalka Oo Hada ka Socda Qaybo Kamid Ah Magaalada Guriceel

Saturday October 23, 2021 - 13:41:27
0 Comments
27
Ahmed Rajaa
Guriceel

Dagaalka oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ahlusunna ayaa welina waxaa uu ka socda Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo bilowday waaberigii hore ee saakay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka ka socda Guriceel oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya oo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dagaalka uu hada ka socdo dhinaca ceel cali iyo dhanka jaamacada guriceel.

ilo wareedyo ku sugan Magaalada ayaa sheegaya in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ee saakay weerarka soo qaadeen ay iminka la wareegeen gacan ku heynta Xarunta degmada iyo Saldhiga police-ka Guriceel.

Meeraysane.com
 

Related Items


Leave a comment