Beeraleeyda Gobolka Hiiraan Oo Dib U Bilaabaya Tabaca Beerahooda

Monday April 25, 2022 - 14:33:31
0 Comments
243
HIIRAAN

Dadka tuulada leeboow oo ka tirsan gobolka hiiraan ayaa sheegay in wabiga shabeelle uu maanta keenay biyo fiican ay ugu farxeen sida uu warbaahinta u sheegay cali sheikh cusmaan oo kamid ah beeralayda G/hiiraan.


Wabiga Shabeelle ee gobolka hiiraan ayaa in mudo ah waxaa uu ahaa mid qalalan taas oo sababtay in dadka degaankaaas ay joojiyaan tabcashada beeraha.


Mar la weydiiyay halka ay biyo ka heli jireen ayuu sheegay in dadka intooda badan ay magaalooyinka biyaha dameero uga soo dhaansan jireen, halka dadka qaar ay qodan jireen wabiga jiinkiisa sidaasna ay biyo ku heli jireen.


Sikastaba ha noqotee dadka beeraleeyda ah ayaa intooda badan ku tiirsan wabiga si ay u tabcadaan dalaga beerahooda.

Axmed Rajaa

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment