Hay'adda Maareynta Musiibooyinka oo shixnad gargaar ah gaarsiisay Baydhabo

Friday November 17, 2023 - 16:42:29
0 Comments
143
ahmed raajaa
BAYDHABO
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa maanta oo Jimco ah markii Sadaxaad waxa ay diyaarad sidday shixnad mucaawino ah u dirtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Gargaarkaan oo garayaa ilaa 10-tan oo isugu jira noocyada raashinka fudud,ayaa loogu talagalay in la gaarsuuyo dadka ay saameeyeen fatahaadda roobabka ee ka jira gobollo badan oo Soomaali ah.

Hay’adda SODMA oo gacan ka helaya Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ee ay dhibaatadu ka soo gaartay  fatahaadaha.

Baydhabo waxa ay ka mitahay Magaaloyinka ay sameeyeen daadadka El-Niño oo keentay waxyeello iskugu jiray Dhimasho iyo Burbur hantiyadeed.

Meeraysane.com



Related Items


Leave a comment