Garaadka guud Ee Beelaha SSC Oo Ka Hadlay Go"aankii Ay Soo Sareen Isimada SSC (dhagayso)

Thursday December 07, 2023 - 00:06:15
0 Comments
97
ahmed raajaa
DUBAI
Go"aamadii ay soo sareen Qaar kamid ah isimada SSC ayaa waxaa durba ka gashaanka u daruuray Garaadka guud ee beelaha SSC khaatumo.

Garaad jaamac oo waraysi siiyay warbaahinta geylan ayaa sheegay in lagu fara ku naxay oo aan la filaynin sidan deg dega ah.

Isagoo hadalka sii wata ayuu tilmaamay in gudigii cuqaasha iyo wax garadka loo diray sidii xabada loo joojin lahaa iyo ciidamda loo kala qaadi lahaa.

Garaadka guud ee SSC-khaatumo oo iminka jooga dalka isutaga imaraadka Carabta ayaa sheegay waxa la isku hayo in ay ka qoto dheer tahay doorashada .

Markii ay dhaboowdo xabad joojinta iyo in ciidamada la kala qaaday, kadib reer khaatumo dib isugu noqdaan wada tashi balaaran.

Intaas kadib Gogol loo dhigo isimada guud ee puntland, islamarkaasna laga shaqeeyo sidii loo kala sooci lahaa khaatumo iyo puntland, wixii ay kala leeyihiin iyo wixii ay wada leeyihiin iyo difaaca sidii loo wada geli lahaa.

Garaad jaamac oo hadalkiisa aad u dheraa ayaa tilmaamay in weli gogoshii ay fidisay SSC khaatumo inay taalo.


Related Items


Leave a comment