Baaq iyo Canbaarayn ka timid Beesha Yuusuf Daarood(Awrtable)

Monday August 17, 2009 - 16:56:44
1 Comments
7283
Super Admin
Beesha Yuusuf Daarood(Awrtable) oo ka mid ah Beelaha ugu faca weyn Deegaanka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo waxaa layaab iyo fajiciso ku noqotay kadib markii ay soo bandhigeen Maamulka Puntland Shax muujinaysa qaabka loogu qaybiyay Beelaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Shaxdaas oo aysan marnaba kuxusin Beesha taasoo macnaheedu yahay inaysan Beesha Awrtable ka mid ahayn Beelaha daga gobolka Mudug gaar ahaan Degmada Gaalkacyo taaso umada puntland iyo tan Soomaaliyeedba ay wada ogyihiin Doorka ay beeshu ku leedahay Gobolka mudug ilaa inta Taariikhda la ogyahay.
 
Waxaa Umada Soomaaliyeed oo dhan ay wada ogyihiin in awrtable uu yahay Reer mudug siiba Beelaha ugu waaweyn Gobolka ,marka loo eego Taariikhda Gobolka.
 
Hadaba Beesha Awrtable oo ah Beel ka gudubtay Xaasidnimo,Xin ,Dulmi waxay aad u canbaaraynaysaa cida soo qoondaysay jaangooyada ku dhisan xaaraanta iyo Dulmiga waxayna Cawaaqib xumida ka timaada Dhabarka uridanaya cidii soo qoondaysay, waxayna beeshu soo saartay kadib wadatashi ay arintaa kayeelatay Qodobadan Soo socda:
 
1)In Maamulka Puntland Siiba Wasaarada ay khushayso arimaha Golayaasha Deegaanka ay ka noqoto go'aankaas qaloocan iyo Talada Xumada ay meesha keeneen.
 
2)Waxay Beeshu canbaaraynaysaa go'aamada masuuliyada ka fog oo ay ku kacaan Maamulka Puntland ka jira oo had iyo jeerba keena kala fogaanshaha Beelaha Gobolada Puntland wada dega.
 
3)Hadii Maamulka Puntland iska dhaga tiro Baaqa Beesha,Beeshu waxay qaadanaysaa Go'aan ah in ay wax laqaybsato Soomaaliweyn kol hadii ay Puntland noqotay hoyga dulmiga.
  


 Baaqaan waxaa ku saxiixan Afhayeenka Gudiga  Siyaasada Beesha Awrtable ( AGSYD) 

Mudane Maxamed Axmed Cali

Hagoog2010@hotmail.com

Boosaaso. Somalia


Related Items

Comments


Leave a comment