Waxaa dilay aabihii daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xassan .kadib way haajireen isaga iyo qayb kamid ah walalhii waxayna aadeenn koonfurta Soomaliaya gaar ahaan meel layiraahdo Biriqa Laashuunle, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 8 kamid ah walalihii, kadib wuxuu ku laabtay Xamar halkaas oo uu ku bartay qayb kamid ah waxbarashadiisa.
Wuxuun u shaqayn jiray talyanigii xiligi uu gumaysanyey somaliya isagoo ahaa turjubaan. Kadib wuxuu aaday Africa garahaan Kenya halkaas oo ka ahaa Darawal wada baabuurta gobolada isaga gooshta. Mudo kadib, wxuu ku soo noqday Somalia gaar ahaan Bariga Somalia wuxuu dagay magalo layiraahdo Xafuun, kadib waa uu kasoo guuray wuxuu soodegay magalada eyl sanadihii 1935 asagoo halkaas ku bilabay barashada cilmiga looyaqaan Fiqhiga isagoo sheegay inuu markaas uu iska daayey wixii balwad uu lahaa oo dhan sida sigarka una bayray xaga diinta.
1937 ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo hogaanka beesha gaar ahaan Bari iyo Nugaal iyo Mudug oo Xiligaas Abshir Cali Wayrax oday ka ahaa .waxay ahaayeen niman isku xiran lehna tayo badan waxay si toosa ugu xirnayeyn xaaji diiriye oo talada iyo dhaqaalahaba bixin jiray xiligaas.
Geele Mohamed Allah ha u naxariistee, wuxuu ku hadli jiray dhawr luqadood oo ay kamid ahaayeen ,Af-Talyaniga ,Ingiriiska, Carabiga ,Sawaaxiliga .iyo afka soomaliga. kadib mudo Shansano kadib ah waxaa uu usoo gueray uuna soo dagay magalada Garowe 1940 tameyadi halkaas oo uu joogay mudo badan kana ahaa Qaali kala xukmiya bulshada oo ku kala xukmiya Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Nabigeena Suubana Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee.
1943-dii Geele wuxuu usoo wareegay dhicana dagaanka hadeer looyaqaan Dagmada Burtine oo markaas aan jirin. waxaa la ii sheegay inay daganaayeen isaga iyo nin la oran jiray kahliif xaaji oo ay sxb ahaayeen tuulada Magacley, waxay ahayeen niman reer magaal ah lakiin waxay lahaayeen reero baadiye iyo xoolo badiye waxay kaloo lahaayeen gaancsi waxayna ku ganacsanjireen tuulooyika kadib waxay isku afgarteen inay uguuraan meesha hada aytahy magalada burtinle oo markaa cidla ah. Waxaa meeshaas marijirtay wada baabuurta ee isku xirta Xmar iyo Bosaaso. Waxaa xiligaa Burtinle kadhisnaa waabab ay ka dhisteen ciidamo Ethiopian ahaa oo wakhtigii ingiriiska halkaa dagay.
Geele Mohamed iyo Khaliig Xaaji Markii ay Burtinle dageen waxay kala dageen wadada labadeeda dhinac. waxay ku heshiiyeen in uu mid walba waraabiyo wixii dad ah oo kayimaada dhinaca uu wadada ka xigo. sidaas aya waxaa ku asaasantay magalada burtinle .
Geele Mohamed Allah ha unaxariistee halkaas ayuu kasii ahaa Qaaliga ku kala xukuma dadka diinta islamka wuxuu kalooo ahaa xubinta ugu saraysa oo wax laga weydiiyo magalada dawadihii jiray dhamntood.
Geele waxa uu kamid ahaa culimada fiqhiga looga danbeeyo gobolada soomaliya markaas, ,wuxuu haystay kutub aan markaas soomaliya oolin kuwaas oo laga dhaxaly qaarkood Fiqi Idris iyo Xaaji Yuusuf. Kutubtaas waxaa kamid ahaa kitaab la oarnjiray CAARRE oo uu qoray Xaaji Yuusuf. Kutubtaas waxaa lagu qaoray badankooda gacanta waxaana ku dahaarnaa oo gal u haa harag xoolaad. 1970 tanaadkii waxaa u yimid culumo Fiqiga ku xeel dheeraa oo Masaari ah waxayna wax qorqorteen qayb kamid ah Kutubta oo ay Culimadii hore ee beesha YD qoreen. Dhamaan ktubtaas qaarkoor waxaa sii dhaxlay oo hada hayya Ugaas Cumar geele Mohamed.
Geele Mohamed Kaneec Allah ha u naxariistee waxaa uu geeriyoday 1983 markas oo ahaa 83jir wuxuuna ku geriyooday lagauna aasay Magalada Burtinle.
F.G. waxaan ka cudur daaranaynaa in aan soo daabacno taariikhda Geele Mohamed Kaneec oo aan wali dhamays tirnayn maadaama aad iyo aad naloo waydiiyey in aan soo daabacno. Insha Allah ayadoo dhamaystirin ayaan idin gudbin doonaa Dhawaan.
Abdullahi Mohamed
Xaarxaar Online
Head Office Boston, Mass USA
Maamulka@xaarxaar.com
Leave a comment