Galkacyo oo laga dareemayaa cabsi laga qabo Dil dhawaan ka dhacay Xaarxaar

Monday April 20, 2009 - 12:57:13
0 Comments
5925
Super Admin
Magaalada Galkacyo Ayaa waxaa laga dareemayaa Cabsi xoogan oo ku aadan dil dhawaan kadhacaydeegaanka xaarxaar oo kamida deegaanada aydegaan Beelwaynta yusuf daarood.

waxaana ku arkaysaa gudaha galkacyo Dadka badankiisa ayaa hadal haya arintaas oo ay gaysteen burcad kuwa qaadka ka shaqeeya ah.waxaana laga dareemayaa cabsi xiliyda habeenkii ah galkacyo oo awalba xaaladeeda aysan fiicnayn sababo amaan xumi ka jirtay awgeed.
 
Dadka magaalada waxaa ku soo kordhay in lays waydiiyo halka ay ku danbeeyeen kooxihii dilka naxariisdara ahaa ka gaystay xaarxaarka oo ay dadka badankiis amin sanyihiin in aan laga haridoonin.
 
mid kamida odoyaasha galkacyo ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay mid aan loo bahnayn arinta ay dhawaan ku kaceen kooxaha jaadka ka shaqeeya lana doonaayay in fidmo la dhaxdhigo beello walaalo uu ku sheega isagoona ka gabsaday in magaciisa lashaaciyo.dhinaca kale waxaa la soo sheegayaa in ay kulmeen beelaha dilka gastay iyo beesha loogaystay dilka dhawaan waxaana kulanka uu ka dhacay Degmada Burtinle oo ay degto Beesha yusuf Daarood waloow aan lashaacin waxa laga wada Hadlay laakiin waxaa loo malaynayaa sida ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in laga wda hadlaayo sidii loo dejin lahaa xaalada deeganadaas.
 
sikastaba ha,ahaatee waxaad moodaa in Dilkaas uu dhaliyay cabsi aan horay looga baran magaalada galkacyo waxaana canbaareeyay Bulshada Qaybaheeda kala gedisa oo ku tilmaamay fal xumaato u hoseedi kara puntland ayagoona ku baaqay kuwii geestay in lagu qaado shareecada islaamka waxay arintaas ka qabto.

Axmed maxamedCumar (Rajaa)

Galkacyo, P/land
 

Related Items


Leave a comment