Halkaan ka dhagayso Qoraagaa oo ka warbixinaya Qisada Buuga
Axmed wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed oo ku nool dalka
Habeen habeenada ka mid ah oo aheyd habeen sabti ah taariikhduna ay ahayd 15 kii February, 2004 jawiguna uu aad u daganaa ayaa C/fataax wuxuu ka codsaday Axmed inuu raaco caawa si uu u soo baro dumaashidiis Qadiijo, Axmed oo ka caga jiidaya ayaa aqbalay waana lasoo baxay, qadar daqiiqado ah kadib ayaa waxaa lasoo gaaray xaafada Qadiijo oo ku taalay 9 Street ( Nine Street) waxaana albaabkii garaacay C/fataax Qadiijo Ayaana isla markiiba ka furtay waxayna tiri
Qadiijo: Waan ku salaamay C/fataax
C/fataax: Waan kaa qaaday abaayo
Qadiijo: Lakin caawa wiil ayaa kula socdee
C/fataax: Haa waa walaalkey Axmed ee barasho wanaagsan
Qadiija: Soo gala soona dhawaada
markay soo galeen gudaha ayay wexey la kulmeen gabdho fadhiya gudaha,
Qadiijo: Caawa waxaan idin barayaa dumaashigeey, waxaana
la dhahaa Axmed, Axmed gabdhahaan waa
saaxiibadeey Amaal, Qaali iyo Nasiib
Nasiib: (oo hadalkii boobaysa ) Barashada iigu kaadiyo, kaneeco
Ayaan liqay oo marka hore iska tufayaa”
Axmed: (oo qoslaya) Hadii aad kaneeco liqday waxaa halis ah
inaad dadkana liqdo
Nasiib: Sidaas uma afweyn
Kaftan iyo isbarasho ka dib C/fataax iyo Qadiijo wexey galeen haasaawe, Qaali iyo Amaalna waxey aadeen Magaalada, waxaana meeshii kusoo haray Axmed iyo Nasiib, kaftan iyo dacaayad ka dib barasho iyo qosol Axmed baa yiri “Nasiib adigoo kale waligeey ma arkin” Nasiib baa tiri “iga raali noqo hadii aan ku dhibay Axmed, hana ii maleyn inaan waalanahay adaan qalada kaa saarayay” Axmed baa ugu jawaabay “Maya Nasiib uma maleyn inaad waalantahay ee waxaa tahay gabar aad u furfuran waana ka helay dabeecadaada iyo kaftankaaga, waana markii iigu horaysay oo aan arkayo gabar sidan u kaftameysa”
Nasiib baa tiri “Waad mahadsantahay maadaama ay dabeecadeydu ku qancisay barasho wanaagsan mar labaad”.
Markii cabaar la kaftamayay si fiicanna la isku bartay ayaa waxaa soo baxay C/fataax, Nasiib baana ku tiri “C/fataax wax la soo raaco ma tihid waayo haasaawe ayaad iska gashay walaalkaana waad ka tagtay”, C/fataax baa ugu jawaabay “Adiga Ayaan kugu haleynayay” Nasiib baa markale tiri “Mar labaad ha u laaban” Kadibna markii la gaaray xiligii hoyaatinka ayay Axmed iyo C/fataax kasoo tageen xaafadii Qadiijo waxaana horay usoo raacday Nasiib waayo isku wado ayeey ahaayeen, markey socdeen cabaar baa waxaa lasoo gaaray gurigii Nasiib oo ku yaaalay 7 Street, kadibna Nasiib baa tiri “Waan idinka leexanayaa oo waatan xaafadeyda ee habeen wanaagsan akhyaarey”” Axmed baa ku yiri “Habeen wanaagsan, balse ha la is xiriiriyo”.
Dhanka kale Nasiib waxay eheed gabar aad u fiican, dhaqankeeda iyo Dabeecadeeduna ay yihiin mid aad u wanaagsan bulshana ah, Quruxna alla ku manneystay, Nasiib waxey la nooleed xaaska abtigeed oo la yiraahdo Sacdiyo, wexeeyna dhigan jirtay iskuul ay gali jirtay Galabtii.
Leave a comment