Wixii maalintaas ka danbeyeeyay, Axmed iyo Nasiib waxey qaadan jireen kulamo kadis ah iyagoo iskaga hor imaan jiray wadooyinka qaarkood waxeyna is weydaarsan jireen hadallo Goos-goos ah iyo kaftan maldahan.
Marka laga reebo kulamadaas ayaa waxa jiray in Nasiib ay u qaado rabitaan hal dhinac ah uusanna Axmed ka warheyn iyadoo jacayl i qari ah u qaaday Axmed, Muddo kadib ayaa jacaylkii Nasiib hayay inta xididada dhiigu qaadeen ku shubeen wadnaha dabadeedna u gudbiyeen xubin walba oo dareen leh ama dhaqdhaqaaqda, Nasiib waxey ku asqowday ama ay ku hafatay badweynta jacaylka iyadoo kaligeed hadba mowjadaha caashaqa dhinac ula sabbeynayeen, Markay arrini ku baaxatay oo meel wax laga qabto gudubtay ayay Nasiib adkeysan wayday waxayna go�aan ku gaartay in ay u bandhigato Axmed jacaylkeeda.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Nasib iyo saaxiibteed Qadiijo waxey wadada iskaga hor yimaadeen Axmed, dabadeedna salaan diiran kadib ayaa Axmed si kaftan ah u yiri �La isma soo xiriirinayo miyaa�, Nasiib iyadoo awalba la�ayd meel ay ka gasho ama ay ka bilowda arrinta ayaa waxey ka faa�ideysatay fursadaas waxeyna Axmed weydiisatay in uu la kulmo asaguna wuu ka ogolaaday, waxeyna ku ballamisay gurigeeda iyadoo ku marti qaaday una sameesay xaflad aad u sareysa.
Maalintii Ballanta Markii la gaaray Axmed si aad u heyr sareysa ayuu isugu diyaariyay asagoo xirtay labis aad u bilic qurxoon, wuxuuna yimid gurigii Ballanta lagu dhigtay, marti qaad diiran kadib Nasiib ayaa waxaa soo maray jaanis kasoo ah inay kusoo haraan guriga Axmed iyo iyada oo kaliya waxeyna ku tiri:
Duumo ruuxay hesho
Cirbad lgu duriyo
Kaniin baa lagu daweeyaa
Cuqdad ruuxay dilooto
Dibnahoo loo macaaneeyo
Dabuub baa lagu daweeyaa
Axmedow su�aal da�weynoo
Daalisay madaxyga
Adigoon degdegin
Maskaxdaadu degantahay
Ideeqsii jawaabteeda
Qof derejo lahaan jiray
Dadkoo idil ka dambeeyaan
Haduu dushaas sariyo
Dabeylaha ruux ka jeclaado
Aasanu dareemin ruxii
Oo daktoor loo geeyo iyo
Lagala daalo sheybaar
Oo diiday inuu galo aqalkiiyo
Wareegayo dibadaha
Maxaa ruuxaa lagu daweeyaa?
Dhagtuse wey da�weyntahoo
Duqay hora waxay tiri
Dunida qofkaad kacalmataa
Kuu diiriya nolosha
Aniguna da�yartaa kacday
Huunow adaa kaa doortay
Jaceyl duur ila xuloo
Dilaacshay qalbigaa jira
Nolol cusub inaan dugsano
Axmedow diyaar maw tahay?
Axmed baa ku jawaabay:
Nasiib ruux leh baa
Kula naasha jacayl
Hadaad I naawishay aniga
Nacam weeye jawaabteeda
Nabsina xambaarsan mayee
U sheeg niyadaada kheyr
Nabarradiisiyo xanuunka
Naxariis darradiisa waan ogahay
Naq inaan beerno oo
Nolol wadaagno
Nacam weeye xageeygee
U sheeg niyadaada Kheyr.
Maalintaa wixii ka dambeeyay Nasiib iyo Axmed waxay noqdeen far iyo faraanti, kulamadooduna waxay ahaayeen joogto balse Nasiib xumo waxaa noqotay ayaga oo ay dabeecadahoodu kala duwanaayeen.
Halkaan ka akhrisoQaybtii 1aad
Leave a comment