Roobab Xoogan oo ka da'ay Deegaanada Burtinle

Tuesday October 06, 2009 - 19:12:35
0 Comments
3548
Super Admin
Roobab Xoogan oo ka da'ay Deegaanada Burtinle iyo nawaaxigeeda oo si way uga farxiyey dhamaan dad waynaha ku nool deegaamadaas

Saqdii dhexe ee habaynimadii Arbacada ayaa waxaa mar qura bilowday roob aad u xoogan oo ah roobka ay dhahaan dadka soomaaliyeed u yaqaanaan dhibca waynaha isla markaana u hayey deegaamada Burtinle, Xaarxaar iyo kuwa kale oo badan muddo aan ka yarayn labo saacadood.

Roobabka ayaa hada si toos ah uga da'aya Deegaamo Baddan ayada oo ay dadku ku sugnaayeen abaaro iyo biyo la'aan aan la soo kobi karin ayada oo ay dadku ku jireen xaalad murugsan oo ah in ay guur guuraan ayaga oo aysan xooluhu u socon karin taasna ay sababtay in ay ku guuraan Baabuur inta awooday inta kale na ay ahayd mid isaga jirtay Xaaladaas.

Hase ahaatee raxmada ilaahay ayaa soo gaartay ayaga oo aan u guurguurin waana doogsadeen sido kale waxaa ay hada ku jiraan Xamdi naf eebe sido kale waxaa roobsaday deegaamo badan oo aan la soo koobi karin.

Maasha alaah

Muhamed

Related Items


Leave a comment