Axmed wuxuu ahaa wiil aad u degan oo aysan is laheyn da’diisa iyo dhaqankiisa, kamana heli jirin wax yaalaha qaarkood sida meelaha xun iyo meel xun fariisiga, taasoo kaliftay in uu xumaado jaceylkii Nasiib iyo Axmed waayo Nasiib uma kala saarneyn dhalinyarada. Nasiib xumase jaceylku sidiisaba mawaayo cadow. Axmed iyo Nasiib waxaa soo dhex galay khilaaf iyo buuq joogto ah taas oo kaliftay in Axmed deganaantiisa ay Nasiib saaxiibadeed ugu beddelaan islaweyni iyo qabweyni.
Waxaa dhacday in Axmed iyo Nasiib buuqoodu uu noqdo mid joogta ah, sababta oo ah jaceylku waa mid noocya badan, Axmed iyo Nasiibna jaceylkoodu wuxuu ahaa mid ku dhisan buuq, balse waxa kaliya ee wada socodkooda adkeenayay ayaa ahaa in Nasiib aad ay u jecleyd Axmed.
Dhanka kale waxaa jiray Axmed in uu qabay gabar la yiraahdo Sahro oo ku nooleed Dalka Canada. Gabadhaan iyo Axmed waxay isku barteen Dalka Somaliya ayagoo xiriirkoodii uu gaaray ilaa heer Guur.
Sahro markii hore waxay ka timid dalka C
Axmed iyo Sahro qoyskeeda waxaa dhex maray dhibaatooyin fara badan, gabadhoodiina waxay dib ugu celiyeen Somaliya. Markii muddo laga soo wareegay oo Axmed iyo sahrana aysan wax xiriir ah yeelan ayaa sahro reerkeedii waxay ku direen Axmed.
Axmed Adis Ababa wuu ka wareegay oo wuxuu aaday Dalka Kenya, intii uu Nairobi joogay markasta wuu lasoo xiriiri jiray Sahro ayaduna aflagaado iyo xumeyn ayay ugu jawaabi jirtay. Muddo kadibn, Sahra waxaa dib lagu celiyay dalka Canada. Iyadoo Axmed iyo Sahra aysan laheyn wax xiriir ah haddana Axmed
Habeen habeenada kamid ahaa ayaa Axmed iyo Nasiib waxay joogeen guriga Yaasmiin oo aheyd Nasiib saaxiibteed
Kaftan iyo haasaawe kadib Axmed ayaa wuxuu yiri “abaayo I dhegeyso waxaan doonayaa inaan kuu sheego arrin taasoo ah arrin aanan kaa qarin Karin, waayo waa wax ku saabsan nolosheena iyo mustaqbalka jaceylkeena”.
Nasiib ayaa tiri “ii sheeg gacaliye, dadka is jecel ma haboona in ay wax kala qarsadaan”, wuxuuna ku yiri: “ waa run macaaneey, waad ogtahay aniga nin rag ah Ayaan ahay, raguna wey iska hawa badan yihiin dabcan intaanan ku baran ka hor waxaa jiray gabdho badan oo soo maray nolosheyda, waxaana jirta in hadii labada qof ee hasaawa wadaaga ay been isu sheegaan uusan xiriirkoodu xidido adag yeelaneyn, waxaan rabaa inaan kuu sheego in ay jirto gabar hore oo aanu wada soconay ilaa uu xiriirkeenu gaaray in aannu midowno ilaa iyo haddana gabadhaasi waan qabaa oo waa xaaskeyga, inkastoo uusan xiriirkayagu wanaagsaneyn ama aanaan wada hadlin”.
Intaa kadib, Nasiib waxay weydiisay sababta kaliftay in uu xumaado jaceylkoodu, asna si tafatiran ayuu min bilow ilaa dhamaad uga sheekeeyay.
Halkaan ka akhriso:
Leave a comment