Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 4aad.

Tuesday October 20, 2009 - 09:14:58
0 Comments
4035
Super Admin
Waa qaybtii Afaraad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Intaa kadib Nasiib waxay weydiisay sababta kaliftay in uu xumaado jaceylkoodu, asna si tafatiran ayuu min bilow ilaa dhamaad uga sheekeeyay

 

Wixii kadambeeyay habeenkaas Nasiib waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay Axmed uga  furi laheyd Sahro, ayadoo mararka qaarkood si toos ah u oran jirtay marna u sarbeebi jirtay, Axmedna wuxuu ka warwareegi jiray furitaankaas asagoo ku andacoon jiray in ay gabadhaasi dhib u geysatay uuna doonayo in uu ka aarsado.

 

Habeenkaa wixii kadambeeyay, Qaraxii dhacay wuxuu jaray xidid ka mid ah ama laamihii jaceylka, waayo Nasiib waxay is tusisay in uu Axmed la hayo gabadhaas ayadana ay tahay ku meel gaar ama wado ku mar, Sababtoo ah waxaa shaki galiyay ayadoo dhalinyarada ay ku oran jireen “Alla wey u dhacatay Axmed, wuxuu qabaa gabar Kanada Jirta, mar dhow waa la dhoofinayaa, Nasiib badanaa  ninkaasi” .

 

Runtii Nasiib aad ayay u niyad jabtay waayo waxay noqotay qof galy ceel waayayna wadaantii uu uga soo baxi lahaa, Axmedna kama uusan warqabin dhibaatada ay ku sugantahay Nasiib, waayo markey u timaado waxay u muujin jirtay waji farxad leh

 

Nasiib waxay dhex gashay barmuudo ayadoo meer meeratada wareegta ay marba dhinac ula sabeeneysay. Nasiib beryo ayay waxay ku jirtay walwal iyo walbahaar, waxayna noqotay qof uu beddelmay midabkeedii iyo dabeecadaheedii. Nasiib intaas oo dhibaato ah ayada oo ay  heeystaan  waxaa usii dheeraa ayadoo marwalba la tashan jirtay saaxiibadeed waxayna ugu sheekeyn jireen in aysan meesha waxba ku heyn, tahayna qof Nayroobi lagu joogo laguna mel gaarayo, Axmedna yahay nin naaga badan ama dooniiste ah.

Shakigii Nasiib wuxuu noqday mid sii kordha ama sii laba jibaarma maalinba maalinta ka sii dambeysa.

 

Wixii intaas ka dambeeyay Nasiib waxay Axmed daba dhigtay istaaf ama dad daba gala oo cagta cagta u saara, waxaa jirtay in maalin maalmaha kamid ah ay u soo dirtay gabar ay saaxiibo ahaayeen si ay Axmed ugu gudbiso jaceyl been ah oo ay u qaaday kadibna ay u ogaadaan in uu Axmed la qaban doono iyo in kale.

 

Gabadhii maalin maalmaha kamid ah ayay waxay timid gurigii Axmed asagoo hurdo, soo kicin kadib waxay u sheegtay Axmed in ay jeceshay, Axmed awalba dareen ayuu qabay wuuna fahmay in ay tahay Nasiib saaxiibadeed mid kamid ah asagana lagu raad joogo, hadda ka horna wuxuu isku arkay gabadhaan iyo Nasiib oo wada socda basna wada koraya, halkaas Axmed waxaa uga dhashay kalsooni darro, wuxuuna ugu jawaabay,

 

 “waan kaxumahay in Nasiib si aad ii daba gasho ay kuu soo adeegsato adiga oo dumaashidey ah, runtii adiga iyo Nasiibba waxaad I galiseen kalsooni darro, waana ogahay inaad tahay Nasiib saaxiibteed hadda ka hor Ayaan isku kiin arkay adinka oo bas raacaya waxaananse garaneyn magacaaga”,

 

 Gabadhii aad ayay u khalkhashay dhidid Ayaana tin ilaa iyo cirib soo daatay, waxayna tiri: ”Axmedow walaalow iga raali noqo, runtii saaxiibtey Nasiib aad ayay kuu jeceshay sidaad ugu sheegtay inaad naag qabtana waxaa ku dhacay kalsooni darro ayadoo dad xaasidka jaceylka ah ay u sheeka xumeeyaan, si ay u qanacdo ayayna iigu kaa soo adeegsatay, ula jeedkeyguna ma ahayn inaan muraayadda kaa jabiyo ama kalsooni darro kugu abuuro”

 

Axmed wuxuu ku yiri: ”Abaayo anigaba Nasiib waan jeclahay waana ogahay dad wada jirkeena cadow ku ah in ay badan yihiin, adiga Ayaana saaxiibteed ah fadlan ka dhaadhacsii kana qanci in aan jeclahay ayada oo kaliyah gabar kale oo aan dunidaan ka fiirsanayana in aysan jirin ayada mooyee”.

 

Gabadhii waxay tiri: “Waayahay dumaashi aan isbarano, waxaa aniga la I yiraahdaa Ayaan”, asna wuxuu yiri: “Barasho wanaagsan, anigana waxaa la I yiraahdaa Axmed, oo horay ayaad uu taqaanay”.

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad

Related Items


Leave a comment