Taxane: Qisada Ahmed iyo Nasiib Qaybtii 5aad

Tuesday October 27, 2009 - 10:48:56
0 Comments
4375
Super Admin
Waa qaybtii shanaad oo aan idinka kaga soo gudbinayno Buuga Ahmed iyo Nasiib oo aad nooga barateen Maalin kasta oo Talaado ah. Hadaba Hawaase wacan.

Dhacdadaas kadib, Axmed wuxuu soo aaday habeenkii guriga Nasiib, asaga oo wadada maraya ayaa waxaa ka hor yimid Nasiib, Bahjo iyo Yaasmiin oo Nasiib saaxiibadeed ahaa,

kadibna Axmed ayaa yiri: Waan idin salaamay dhamaantiin”, “waan kaa qaadnay Axmed walaalkayaw” ayay Bahjo ugu jawaabtay.

 

Kadibna waxaa laysku raacay gurigii Yaasmiin, wax la soo socdaba cabaar kadib waxaa la soo gaaray gurigii Yaasmiin, waxaana la fariistay barandada guriga, kaftan iyo is xifaalayn  kadib waxaa yimid Maxamed oo ahaa Yaasmiin  saaxiibkeed waxaana la is baray Axmed iyo Maxamed.

 

Barasho kadib Axmed iyo Nasiib waxay u baxeen meel gooni ah markii ay fariisteen baa Axmed oo ka xanaaqsanaa arrintii galabta dhacaday ayaa  tiriyay tixdaan gabayga ah:

 

·        anigoo Nasiibey ku jecel, nidarna kuu qaaday

·        niyad sami anoo kuu hayoo, waayo kugu noogay

·        oo aan nooc kaloo dumar yahay, noos u furahaynin

·        naxli iyo anoo kula neceb , nabar ku soo gaara

·        niyadaada waadigii gashaday, beenna naawilaye.

·        markaad diratay naakhuude, waaba kaa naxaye.

·        Naacawda caashaqaana, waa lala nuglaadaaye.

·        Qofkuu ku nuuxnuuxsadana, naafo wow halise.

·        Nabar aan buskoon weeye, iyo naar kuleel badane.

·        Aniguna adaan kugu nabtoo, diiday naag kala’e.

·        Nabsi hayga gelin yaan waqtigu, nuurku kaa dabine.

 

Tixdaas kadib, Nasiib ayaa tiri “Gacaliye iga raali noqo waan ka xumahay dhaawaca aan kuu geystay aniga ayaa lay watay oo sheydaan ayaa ila shekeystay”.

 

Axmedna asagoo xanaaqsan ayuu yiri “Macassalaama” kadibna wuu kacay oo waa uu tagay. Waxaa u dhawaa oo meel u dhaw fadhiyay Yaasmiin, Bahjo iyo Maxamed.

 

Bahjo Ayaana aragtay Axmed oo sii baxaya weyna kasoo daba oraday waxayna ku tiri: “Axmed walaal, maxaa dhacay? Namaadan soo marine, ma wax dhib ah ayaa jira? Nasiib miyaad is qabateen”, “Maya abaayo, iskuma aanan dhicin Nasiib, ee madaxa ayaa layga hayaa “ ayuu Axmed ku jawaabay asagoo qarinaya arrinta dhacday.

 

Axmed iyo Bahjo intay wada hadlayeen ayay Yaasmiin u tagtay Nasiib oo ooyeysa, Nasiibna wey u sheegtay waxa dhacay.

 

Yaasmiin waxay kasoo daba oroday Axmed oo markaas Bahjo macsalaameynaya, waxayna tiri: “Axmed maxaa dhacay? Nasiib wey ooyeysaaye”

 

Axmedna wuxuu ugu jawaabay: “I dhageysta, aniga waxaan ahay walaalkiin Nasiibna waa walaashiin, waligay wax khalad ah miyaan idin ka galay ama Nasiib ka galaya, amaba aad I aragteen aniga oo la socda ama shukaansanaya gabdho kale, amase meel xun oo jaceylkayaga dhaawacaya maraya?, in badan ayaad I garaneyseene, maxaa ku kalifay Nasiib in ay kalsooni darro galiso xiriirkeena oo ay ii daba dhigtay saaxiibadeed si ay ii baaraan, runtii arrintaas aniga kalsooni darro ayay I galisay Nasiibna kama aanan maleyneyn arrimahaas”.

 

Bahjo ayaa tiri: “walaal, waan ognahay inaadan xumeyn, ayadana waxaa u geystay arrintaas maseyr ay qaaday, runtii labada qof ee is jecelna waa inay isu maseyraan hadii kale jaceylkooda tuhun aya ku jira”.

 

Halkaan ka akhriso:

Q.1aadQ.2aad . Q.3aad. Q.4aad


Related Items


Leave a comment