Qurba Joogta P/land ee Holland oo tacsi udiraya ehelada 2da marxuum

Friday November 13, 2009 - 12:10:23
0 Comments
1075
Super Admin
inaa lilaahi wa ina ileehi raajucuun

Waxan tacsi u diraynaa aniga oo ku hadlaaya magaca jaaliyada reer Puntland ee kunool Dalka Netherland dhamaan shacabka reer Puntland gaar ahan qaysaskii ay ka geeriyoodeen madaxdii lagu dilay hawsha qaran ee ay hayeen Umada ku dhaqaan Puntland. Ilaahy jandii haka waraabsho labda marxuum, kuwa dilayna waa in si deg deg ah sharciga  horkeenaa.

Ma asmici karno dadkii caqliga iyo maskaxda ku hayay hawsha qaran una shaqaynayey umada reer Puntland in maalinba mid beero suuqa loogu toogto.

Waa in lahelaa lana baraaa  dadkii falkaas ka danbeeyey, mida kale waxan ku waani naynaa Shacab waynaha reer Puntland iyo dawaladaba in la helaa dad aan tuuta qabin  oo umaad ku dhex jira kuna hubaysan hubka yar yar ee fudud kuwaas baa amaanka ka shaqayn kara ee nin tuuta wata dadkoo dhan baa u jeeda nin danbiile ah oo agtisa wax ku samynaya ma jiro. Waa in la helaa ciidan daacad u ah umada iyo dalkoodaba.



Abdihakin Abdi Ismail Ilkadhagax
ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment