Xalfad loo sameyey kooxdii Koobka Futsal Finland qaaday

Tuesday January 26, 2010 - 09:13:56
0 Comments
4520
Super Admin
Xaflad loo dhigay marti sharaf Isboorti iyo kooxdii koobka Finland ku guulaysatey oo lagu qabtey magaalada London

Waxaa lagu qabtey xaafada Wembley xaflad isugu jirtay soo dhaweyn marti sharaf Isboorti oo booqasho ku soo gaarey magaalada London iyo koob ay soo qaadeen kooxda dhalinta cuslaatey ee Galbeedka London gaar ahaan xaafada Wembley.

Marti sharafta isboorti oo kale ahaa Mohamed Hussein(Majabe) oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore kooxda Madbacada Qaranka ( Arsenal Somalia) oo ku nool dalka Canada, Yoonis Galbeyti oo isna ka yimid dalka Sweden & kooxda dhalinta cuslaatay ee wembley oo ku soo guuleystay koobka la dhigo xilliga qaboobaha ee (Futsal)) kaasoo lagu qabto sannad walba magaalada Helsinki ee wadanka Finland.

 

 


 
Ugu horreyntii waxaa xaflada aayado Quraan ah ku furay Mudane Elmi Waaberi  oo ka mid gudiga Somali Week  London,markaas ka dib ayaa waxaa la guda galay xafladdii cashada iyo qudbooyinkii ay marti sharafka halkaas ka jeedinayeen.
 
Ciyaartooydii Seria A ee halkaas ka hadlay  waxaa ka mid ahaa Hussein Aba Nuur Abati oo ka mid ahaan jiray ciyaartoygii naadigii Wagad kuna hadlaayey magaca  dhalinta reer Wembley. Hussein waxa u la dhashay Maradonihii Soomaaliya Muriidi Abanuur,kadibna waxaa hadalkii qaatey Danjire Caalin islamarkaana   sheegay sida loogu baahan yahay in la middeyo bahda Isbortiga ee reer UK gaar ahaan reer London iyo in si wadajir meel loogu wada jeesto horumarinta isbortiga dhalinta Soomaaliyeed,wuxuuna aad ugu mahadceliyay dadkii soo ababulay tartankii Somali Week London, wuxuuna kula dardaarmay in ay dadaalkooda halkaas ka sii wadan.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Oday Isboorti Abdulqadir Isoomarey wuxuuna ku ammaanay reer Wembley sida ay mar walba usoo dhaweeyaan bahdii sportiga ee Soomaaliyeed.intaas ka dib ayaa waxaa hadalkii qaatay Laacibkii weynaa ee naadigii Horseed iyo xulka qaranka Soomaliya Mohamed Ismail wuxuuna aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in wax kasta oo qilaaf u keeni kara bahda isboortiga UK ama reer London laga fogaado waxa hadda jirana oo aan sidaa u weyneen in la dhameeyo,wuxuuna sheegay in uu diyaar u yahay wax ka qabashada arintaas, islamarkaana waxa uu dadkii meesha joogay u su’aalay in loo fasiro ururka Diaspora iyo qaabka u shaqeeyaan islamar ahaantaana ay haboon tahay in wax la iska waydiiyo qaabka loo abaabulo iyo in cid gaar ah leedahay madaama ay sheeganayaan inay yihiin dad matala Isboortiga Soomaaliyeed ee Qurbajoogta.

Arinkaan iyada ah jawaabo kale duwan ayaa laga bixiyay sida aan ka maqlay dad goob joog ka ahaa laakinse hadaan eego Bahda Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan wax aqoonsi ah ay ka haystaan ma jirto sida runta ah, waayo qaabka loo abaabulo iyo dadka maamula ma ahan dad nadiif ka ah khilaafaadka ku kale dhaxjira bahda Isboortiga meel kasta ha joogaan, waxaana haboon in la saxo hadii la rabo in aqoonsi guud laga helo bahda isboortiga guud ahaan kadibna dalkii iyo dhalinyaradii Soomaaliyeed wax wadajir ah lagu hormarin lahaa.
 
Dadka halkaas ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa muustigiistaha weyn ee hobaladii Qaranka Waaberi Mohamed Macalow wuxuuna sheegay in ay jiraan dad fidno ku nool ah oo markasta isu haysta inay ayaga sportiga ay si gooni ah u leeyihiin, islamarkaana loo baahan yahay in hore looga sii socdo, sababtana waxaa weeye waxaa jira kooxo ku qaraabta magacii ciyaartooyda hore ee dalka Soomaaliya kuwasoo lagu naynaaso ( Seria B) oo jecel inaysan soo bixin dad dhalinyaro ah oo ka firfircoon oo waxqaban kara oo aan iyaga ahayn, kuwasoo magaalada London ka wada iska hor keenida bulshada nadiifka
ah.
 
Waxaa asagana halkaas ka hadlay Ali Mire  oo ka tirsanaa Naadigii  Wagad iyo xulkii Qaranka Soomaaliya sheegayna inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta iyo guushii kooxda dhalinta cuslaatay ee Wembley. 
 
Waxaa kaloo ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay Jamaal weyne oo ka tirsanaa Naadigii Horseed iyo Cumar Muuse oo ka tirsanaa nadiga Dowlada Hoose iyo Mohamed Buuwe oo ah xubin sare oo ka tirsan guddiga Somali Week London iyo Mohamed Khalif oo ah afhayeenka Somali Week,oo ka warbixiyey qorshaha Somali Week ee 2010 ka London.         
 
 Ugu dambeytii ayaa waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Mohamed Hussein (Majabe) wuxuuna aad ugu mahadceliyey dhalinyarada reer Wembley ee xafladan quruxda badan ku soo dhaweeyey,wuxuuna kula dardaamay in wanaaga laga shaqeeyo,leyskana qabto inta sportiga xumaanta ka dhex wato.
 
Waxaa iyana halkaas ka hadashay Bakin Maaxi oo ka mid ahayd gabdhihii kubbada koleyga ee naadigii Jeenyo LLPP waxayna aad u amaantay guddiga  Somali Week  waxayna sheegtay in ay hiil howlba la garab taagan yihiin iyadoo ku hadleysay magaca gabdhaha sportiga e gaar ahaan wembley guud ahaan London.
 
Waxaa soo abaabulay xafladan:
 
Hussein Deeq,Abdi Ahmed,Hussein Abati,Abdirashid Islaw oo barnaamijka gudoominayey,Abdulkadir Uus,Mohamed Buwe,Cumar Muse,Yaasin Dinow,Liban Ajiija,Elmi Waberi,Jamal Weyne Gurey Abdalla,Mohamed Khalif.
 
Waxaana kasoo Qaybgalay marti sharaftan halkaan ku qoran:
 
Ambassador Calim,Abdulkadir Isomarey,Mohamed Ismail,Ali Mire,Majabe,Yonis Galbeyti,Bakin Maaxi,Yasmiin,Muna,Abdullahi Abdi,Mohamed Macalow,
 
Isku soo duuduuboo waxaa moodaa in bahda Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan reer London inay had iyo goor u taagan yihiin sidii Isboortigii Soomaaliyeed dadkii magaca ku lahaa inay ku soo dhaweeyaan magaalada London, islamarkaana ay doonayaan inay wax badan oo ay ku kale warqataan ay kaga faaidaystaan kulamada noocaan oo kale ah.

Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee reer London iyo Somali Week London, Kabtan Shaash , ururka HIRDA waxay hambalyo u dirayaan mudane C/qaadir Cadday kadib markii dadaal dheer kadib uu ku guulaystey in C/salaam yare ka mid noqdo ciyaarta heerka koowaad ee kooxda Man City, waan ku faraxsan nahay dhamaanteen waxaana Allah uga baryaynaa guul iyo horumar


W/D:Yusuf Yusuf~Sports Editor of SSPAMEDIA

Related Items


Leave a comment