Eng. Baana Cali oo casho sharaf u sameeyay Bahda Kubadda Koleyga Londonþ

Wednesday June 23, 2010 - 08:23:43
0 Comments
3740
Super Admin
London 22/06/2010.Waxaa lagu qabtey waqooyiga magaalada London maqaayada Ramada casho sharaf sare oo ay ka soo qayb galeen bahda kubadda koleyga Soomaalida ku nool magaalada London,kuwasoo isugu jirey ciyaartooydii hore Qaranka, kuwii dambe, macalimiintii iyo maamulayaashii isboortiga, xafladatan quruxda badan waxaa soo qabanqaabiyay Eng Baana Ali oo ah xoghayaha (XSKK).

Eng Baana Ali ayaa ugu horeyntii ka hadlay casho sharafta  kagana mahadceliyay  imaanshahooda ka soo qayb galayaasha kadibna sheegay inuu dalbanaayo in bahda kubadda koleyga ee meesha fadhiya inay iska cafiyaan waxyaabihii ku kale dhaxjirey bahda kubadda koleyga  ee khilaafka ahaa,waxaan doonayaa saaxiibayaal wixii caawa ka dambeeyo soo celiyo walaalnimadeenii iyo saaxiibtinimadii isboortiga ayuu yiri xoghayaha XSKK.

 

Dhamaan dadkii meesha fadhiyay ayaa aad ugu riyaaqay hadalka wanaagsan ee ka soo yeeray Baana Cali, waxaana markaas kadib hadalo wanaagsan oo u badan istusaaleyn iyo qaabka loo wada shaqayn karo iyadoo la istixgalinaayo ka Hadley  mudanayaasha isboortiga ee kale ah:

 

Danjire Mohamed Ahmed Caalin , ADAMO,Ahmed Muse, Macalin John , C/qaadir Garwayne,Ahmed Bile,Abdiweli,Osman Shiis,Bashiir Gurey,Abdalle Dheere,Abukar Yusuf,Guleed Farah,Liibaan Dahir,Abukar Abdi,Abdirahman Hussein,Mohamed Abdiweli,Abdirahman Abdi Weli,Abdulahi Abshir,Guled Farah,Liiban Hasan iyo Abdulsabour.

 

Casho sharafta ayaa ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo farxad, waxaa xusid mudan in bahda isboortiga kubadda koleyga ee ku nool dalka Ingiriiska magaalooyinkiisa kale duwan intooda badan khilaafkii ku soo kale dhexjirey mudo badan ay go’aansadeen inay dhinac iska dhigeen, isku meelna ka soo wada jeestaan,runtii  arimahaan oo kale waa tilaabo wanaagsan oo u baahan in qurbo joogta isboortiga meel kasto ay joogaan kaga day’daan tilaabada ay  qaadeen bahda kubadda koleyga UK, kuwasoo markoodii hore isku khilaafay  in laga mid noqdo iyo in aan laga mid noqonin iyadoo aanan lala xisaabtamin qaabka ay ku shaqeeyaan  kooxda(GOS)ee afduubka ku haysata maamulka isboortiga dalka ee dibad wareega ah

 


W/D:Yusuf Yusuf

Sports editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

Related Items


Leave a comment