Fu’aad Shangole yaa ka mudan Xilka Ra’iisul Wasaaraha?

Wednesday October 27, 2010 - 10:24:01
3 Comments
6690
Super Admin
Sh. Fu'ad Shangole
Sh. Fu'ad Shangole
Marka dib loogu laabto jiritaanka Dowlada Soomaaliya ee hadda dhisan waxa ka dhex muuqda raggii ugu tunka weynaa dagaaladii lagu hoobtay ee bilowgooda ahaa aas aaskii Maxkamadihii Shareecada balse isbadal ayaa dhacay oo waa la kala jeestay.

Markii ugu horaysay ee Magaca Shareecada Islaamka iyo ku dhawaaqida Erayo diini ah oo siyaasad lagu maldahay ay soo baxday ayaa waxa ay ahayd Bilowgii 2004-xiligaasi oo siyaasiyiintii,Hogaamiyayaashii dagaalada iyo raggii doonayay xilalka ay ku mashquulsanaayeen Shirkii Kenya ee lagu soo dhisay Dowlada qaadatay Magaca Federalka Soomaaliya.

Koox ay Hormuud u ahaayeen Shariif Sheekh Axmed,Aadan Xaashi Ceyrow,Mukhtaar Roobow Mansuur,Axmed Cabdi Godane,Fu’aad Maxamed Shangole,Xasan Daahir Aweys,Xasan Turki,C/Qaadir Cali Cumar,Abuu-Cueyba,Yusuf Indha Cadde iyo Kooxo kale oo qarsoonaa ayaa waxa ay kaalmo abaabul iyo deegaan sal u ah ka heleen Wadaadka Howdka ku jiray Ee Sheekh Xasan Turki iyagoo taageera maaliyadeed ka helay Ganacsatada Caanka ah sida Abuukar Cumar Cadaan iyo rag kale oo dhaqaale Culus ku haystay dalka oo dana kala duwan lahaa.

Kooxdaasi is abaabushay ayaa dhammaan kaalmo iyo rag dhiigooda diyaar la ah ka heleen Dugsiyadii Qur’aanka oo ay maamula ka ahaayeen Al-Itaxaadkii hore ee burburay balse Tashkiilinta iyo abaabinta dhalinyarada ka waday goobaha ay maamulayeen.

Waxaa Bilowday Tababarida Ardayda Dugsiyada Qur’aanka Kariimka oo Ciidan ahaan loo diyaarinayay iyadoo loo qaadi jiray Howdka Jubooyinka iyo duleedka Baraawe oo Xeryo uu ka siiyay Yusuf Indha Cadde oo xiligaasi haystay Gobolkaasi.

Hogaamiyayaashii Kooxaha ayaa xiligaasi ka hurdayaya waxa socanayay iyagoo ku mashuulsanaa raadinta Kuraas ay ka helaan Shirkii ka socanayay Dalka Kenya sanadahaasi waxaana taasi ay dhalisay in awood qarsoon ay abuurantay.

Waxa ay soo socotaba sababtay in isla sanadaasi dhamaadkeeda ay qabsadaan Kooxdii la soo carbiyay ee caruurta da’da yar iyo dhalinyarada 18-jirada aan ka waynayn u badnaa in ay la wareegaan goob Qabuura ahayd oo Talyaani dad u badan ay ku aasnaayeen.

Durbaba waxaa bilowday shaqooyin aanay dadka u baran balse la moodayay in ay ammaan dhalinayaan iyadoo dhismihi qabriyada laga faagay ay dageen Koox uu hogaan u ahaa wiilka da’da yaraa ee Aadan Xashi Ceyrow oo magaca Shabaab watay xiligaasi isagoo bilaabay abaabulka Muxaadarooyin lagu qabanayo Qabuurihii la qoday dushooda.

Goobtaasi ayaa Jimca waliba waxaa ka hadli jiray wadaado caan ah oo ku tashkiilinayay dadka in ay taageeraan magaca Maxkamadaha iyo Nabad dhalinta dhalinyarada isku xilsaartay taasi oo sahal ka dhigtay in dhalinyaro badan Caadifad ay qaaday sidaana Tababaro loogu qaaday iyo qaar isla deegaankaasi lagu siin jiray tababar.

Xiligaasi ka dib waxaa awood sii yeeshay Maxkamadii Ifka Xalane oo beel ay lahayd iyo Maxkamadii Warshada Caanaha waxaana ka dib la aas aasay oo awood loo sii yeelay Maxkamad lagu magacaabi jiray Sii-Sii oo Shariif Sheekh Axmed uu hogaan u ahaa taasi oo keentay in shaqooyinka ay noqdaan kuwa si guud iskaashi loo sameeyay.

Mudadaasi ka dib ayaa waxaa si cad Maxmadii Shariif uu hogaaminayay ka hor yimid nin haystay deegaanka Sii sii oo dagaal la galay Ciidan yar oo uu lahaa Shariif sheekh Axmed oo hada madaxweyne ah waxaana markii deegaanka laga eryay ka dib uu shaqooyinkii ka sii watay sanadkaasi deegaanada ay ka taliyaan Maxkamadaha Shiirkole,Warshada Caanaha iyo Ifka Xalane.

Xaalada waxa ay is badashaba bartamihii 2005-kii waxaa la sameeyay Maxkamadihii Modoobay oo shariif Sheekh Axmed Hogaan looga dhigay isagoo dibad joog ka ahaa Deegaankii ay ku magacaabneed maxkamadiisa.

Shaqada socanaysay waxa ay ahayd mid dadka ay qaarkood ku faraxsanaayeen halka qaar badan oo ka mida ay ogaayeen Howsha sida hoose u socanaysay iyadoo Shaqooyin aad u waaweyn ay hoos ka wateen wadaada Tashkiilka qaabilsanaa sida wadaadka caanka ku noqday Xukunka dadka ee lagu magacaaboFu’aad Maxamed Shangoleoo markaasi loo yaqaanayAbuu C/raxmaan Al-sokoriioo haystay Sharciga dalka Sweden.

Sirta qarsoonayd iyo Saani u socodka Shaqadii Shariif Sheekh Axmed waxa ay gaartay in ay Hogaamiyayaashii dagaalka oo qaarkood ay xilal haayeen ay sameeyaan Xiriir Caalami ah waxaana ay heleen taakulayn iyo qorshe la dagaalan kooxdan soo ifbaxday oo Reer Galbeedka aaminsanaayeen in ay yihiin Al-Qaacida.

Qarxida dagaalo ay kala wataan Maxkamadihii Islaamiga iyo Kooxdii Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa waxa ay sabab ka dhigtay in awoodii Kooxdii uu Hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed ay sii kobacdo waxaana bilowday in dagaalada ay ku kala qeybsamaan Maxkamadihii Shareecada.

Maxkamadaha ayaa kala noqday koox awood leh iyo koox Kaabid u aha kooxdaasi kale sida magacyadan oo loo kala yaqaanay Kooxahaasi Maxkamadaha:-

___Kooxda Salaaxu Diin __Waa Koox hadda wadata Magaca Alshabaab waxaana hogaan u ahaa Aadan Xashi Ceyrow iyadoo ay ka soo farcantay Qabuurihii Talyaaniga ee la burburiyay wadaada badana ay ku tashkiiliyeen dhalinyaro qaadatay magacaasi waxaa kaloo loo yaqaanay “Fidaa’iyiin “.

____Kooxdii Nasru-Diin___Waa Koox hada intooda badan haysta magaca Dowlada Soomaaliya ama Maxkamadihii Dowlada ku biiray Kooxdaasi waxa ay ahayd kuwa Taakulayn dhaqaale qaadan jiray,oo ganacsata caan ah ay maal galin jireen waxaana hogaankooda uu hoos imaanayay Shariif Sheekh Axmed iyo rag kale oo dhammaan Ciidankooda ay hanti raadis ama dhaqaale ku shaqo gali jireen.

Labadaas koox waxa ay ahayeen kuwa iska barbar dagaalami jiray wallow la aaminsanaa in awooda ay lahaayeen kooxdii Salaxu Diin ama Shabaabka oo rag sar sare ay hoos ka maamuli jireen islamarkaan ajaanib badan ay ku jireen .

Shaqada xiligaasi la waday waxaa raali isaga wada ahaa dhammaan ragga ku jiray mana jirin wax dagaal toos ah oo ka dhex oognaa wallow shaqooyinkooda iyo hadalka ay lahaayeen uu kala ahaa mid kala duwan oo laba dhinac u kala jeeday.

Isbadalada waxa ay sii socdaanba xaalada waxa ay gaartay in koonfurta dalka ay u gacan gashay Kooxii wada lahayd Magacii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed iyadoo markii xaalada ay heerkaas gaartay ay bilaabatay in si hosoe hadafyadii la kala lahaa oo dhammaan XUKUNKA Dalka uu sal u ahaa la isku qabqabto.

Kooxdii Shabaabka oo si hoose isku ogayd ayaa bilowday la soo bixita fekerkii kakanaa ee ay wateen iyagoo Xukuno bilaabay in ay ku ridaan dad badan waxaana ay bilaabeen caburinta dadka sida iyagoo lahaa fekerkii Qaadka lagu joojiyay oo khilaaf badan abuuray iyo astaama badan oo ay shabaabka la soo ifbaxeen.

Qaadashada Calanka Madow oo meel walba laga suray iyo Xukunada dhammaan dadka lagu ridayay waxaa raali ka wada ahaa Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah ninka ay shabaabka u yaqaanaan Gaalka ama nin diinta ka baxay waxaana uu sii hayay xilkii Maxkadama hogaankooda illaa dagaal Dowlada iyo Ethiopia iska kaashanayaan dalka looga saaray Kooxdaasi oo Jab iyo halaag badan ka dhaxashay jiritaankeeda iyo magacaasi oo ay muddo kooban dalka ku haysatay.

Hadaba Su’aasha qof walba ku soo deg degayso ayaa waxa ay tahay raggan isku Fekerka ahaa marna isku danta ahaa maxay isku haystaan??!! Maxaysa hadda isku fahmi la’yihiin??!!.

Waa arin la yaab leh in Xukun doon koox wada ahayd hadana dhiig badan oo daahir ahaa daadisay,dad badana ku kaliftay in ay isaga cararaan dalka Nacayn lagu abuuray aawadeed,Dhalinyara badana Caburin ka dib goosteen in ay ku biiraan kooxdaasi ama ay ka firxadaan dalka hadda ay noqdaan kuwa is jir neceb oo kala aaminsan Fikiro kala fog iyo magacyo yaab leh.

Dhawaqa Magacyada ”Murtad,Riddo,Khawaarij,Gaalo raac,Ilaahay Cadowgiisa,Shisheeye kalkaal,Mutadarif “Xag jir”,Abuu-Hebel,Mujaahidiin,Intixaari “Naftis hure”……..I.W.M” DhammaanErayo maqalkooda ay dhagahayga ku soo dhaceen ka dib dhismihii Maxkamadihi Shareecada iyo xiligii uu socanayay dagaalkii Afgahanistan iyo Ciraaq oo dhammaan aan u qaatay in halkaasi laga soo min guuriyay.

Isku soo duub “Alshabaab” ragga ka dhex muuqada waa Wadaadadii Maxkamadihii,Saraakiishii Maxkamadihii,Dhalinyaradii Maxkamadihii,Masuuliyiintii Maxkamadihii, Xog-haynadii Maxkamadii madaxdooda,Caruurtii la baray lagana dhaadhciyay wanaaga dagaaladii lagula jiray Dowladii Col.Yusuf,Ethiopia ama Isbahaysigii ka horeeyay ee argagixiso la dirirka mar hadii ay sidaa tahay maxaa hortaagan in awooda la qeybsado oo Xukunka laga heshiiyo??

Erayga ugu Culus oo dhanka Dowlada Shariif Sheekh Axmed ka soo bixi kara ayaa ah “Alshabaab waa Al-Qaacida ama ajaanib bay wataan iyo Feker la soo min guuriyay” taasi oo jawaabta ugu sahlan oo uu bixin karayo qof walba oo xaqiiqda aan ka ganbanayn ama joogay waagii Maxkamadaha ay noqonayso “Xilihii Maxkamadaha dalka waxa uu la ciirciirayay ajaanib meel walba lagu arki jiray”.

Hadda xaalada waxa ay taagan tahay Dowlada oo ka talisa wax ka yar 10-KM oo ciriir ah iyo kooxdii Alshabaab oo haysata inta badan Koonfurta Soomaaliya oo weli isku sii haysta Awoodii iyadoo maalin walba laga celcelinayo Madaxtooyada iyo wadada gasha Airport-ka Muqdisho taasi oo sababtay in dadkii caasimada daganaa ay saddex dalool Laba dalool ay magaalada isaga bexeen.

Mark hadii xaalku sidaa taagan yahay Xilkii Ra’iisul Wasaarahana banaan yahay yaa ka hortaagan Shariif-kii Maxkamadaha haystay ee hada Madaxweynaha ah in uu Xilka Ra’iisul Wasaaraha siiyo Saaxiibkiisii dhanka Dacwada iyo Tashkiilka Ee xiligii Maxkamadaha hayay jagada Wasiirka Waxbarashada ahna nin ka soo jeeda dhulka Puntland waa Fu’aad Maxamed Khalaf “Shangole”.

Fu’aad Shangole hada waa nin aan looga maarmin talaayinka iyo shaqooyinka Alshabaab waana ninkii ku caan baxay Xukunka “Ridda” ama qof Murtad lagu sifeeyo isagoo Dowlada shariif dhammaan dadka u shaqeeya ama ka agdhow gaalo ku tilmaamay balse weli jecel in mar uun uu xil muuqada ka qabto Dowlada xukunta Soomaaliya.

W/Q:- Abdirizak Yusuf Abdalla Kampala

Kambaala77@gmail.com

Afeef: Aragtida maqaalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Related Items

Comments


Leave a comment