Giggs, Scholes, iyo Neville oo ku sii jeeda horyaalka Imaaraadka.

Sunday October 31, 2010 - 19:35:32
0 Comments
1813
Super Admin
LONDON: - Ryan Giggs, Paul Scholes iyo Gary Neville ayaa lagu wadaa in ay ka wada hayaamaan kooxda Manchester United iyaga oo ku wajahan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta si ay uga ciyaaraan horyaalka dalkaasi.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa ku waramay in dhamaan sadexda halyeey ay ku biirayaan kooxaha dalkaasi Imaaraadka iyaga oo qaadan doona mushaar dhan £200,000- todobaadkiiba.

Xiriirka kubada cakta ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa doonaya in uu sare u qaado horyaalka dalkiisa kaasoo ay horayba u joogeen laacibiin caan ah sida kabtanki dalka Talyaaniga Fabio Cannavaro, sidaasi daraadeedna ay hadana keenaan xidigo kale oo caan ka ah aduunyada.

Kooxda hada la hadal hayo ee dooneysa laacibiinta Man United waa kooxda Al Ahli oo uu hada tababaro macalinki hore ee Arsenal David O'Leary.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment