Kooxo Hubaysan Oo Af-duubtay Dad Ka Soo Jeeda Magaalooyinka Berbera & Burco Ee Somaliland.

Wednesday July 28, 2021 - 09:36:19
0 Comments
459
Nasteeh Bare
Sool

kooxdan hubaysan ayaa ka soo jeeda Gobolka Sool, iyagoona habeenkii xalay ahaa degaanka Carrooley ee Gobolkaas ka af-duubtay dad rayid ah, oo heyb ahaan ku abtirsada magaalooyinka Burco iyo Berbera ee Somaliland.

Dadkan rayidka ah ayaa la af-duubtay, xilli ay ka yimaadeen beeraha XALIN oo ka tirsan degmada Taleex ee Gobolka Sool.

kooxdan af-duubka gaystay ayaa sida la tilmaamay la-hayb ah nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, kaas oo mudda bil ah ku xiran magaalada Berbera.

Cabdikariin Cali Nuur oo u dhashay Gobolka Sool, ayaa Somaliland xirtay kadib markii uu dhawr jeer warbaahinta dhaliilo ka jeediyay.

Nasteh barre 
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment