Tiago Silva o diyaar u ah inuu safto kulanka adag ee R.Madrid iyo AC Milan

Tuesday November 02, 2010 - 18:36:39
0 Comments
2756
Super Admin
MILAN: - Daafaca birta ah ee kooxda Milan Thiago Silva ayaa lagu wado in uu garoonka kasoo dhexmuuqdo kulanka adag ee habeen danbe dhexmari doona kooxaha Milan iyo Real Madrid kaasoo ka tirsan lugta labaad ee koobka Champions League.


Ciyaaryahankan u dhashay dalka Brazil ayaa ka maqnaa kulanki lugti hore kadib marki uu ku dhaawacmay kulan ay Milan 16-ki Oct la ciyaartay kooxda Chievo laakin hada waa diyaar wuuna safan sida uu sheegay.

Isniinti waxa uu dhameystay tababarka isaga oo si weyn isugu diyaarinayey xerada tababarka Milan ee Milanello taasoo muujisay sida uu u doonayo in uu wacdaro uga muujiyo kulanka San Siro ee Arbacada.

Waxaa sidoo kale tababarka soo xaadiray oo soo bogsaday laacibiinta kala ah Massimiliano Ambrosini, Gianluca Zambrotta iyo Ronaldinho oo dhamaan qabay dhaawacyo fudud.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items


Leave a comment