Hangarka dayactirka Diyaaradaha oo Muqdisho laga furay

Wednesday January 31, 2024 - 19:52:44
0 Comments
66
ahmed raajaa
MUQDISHO
Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daahfuray Blue Hangar, oo ah hangarkii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaraha, laguna dayactiro ee laga furo Soomaaliya burburkii ka dib.

Blue Hangar oo laga dhisay gudaha garooonka Aadan Cadde ayaa waxaa hirgeliyay shirkadda Aerosom oo ay maalgashadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho wuxuu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad. Mana jirin xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababi jirtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda.

Waxaase maanta baahidaas dabooshay oo ay hadda ka dib adeeggaas ka heli doonaan Blue Hanger, oo si casri ah loo qalabeeyay.

Guddoomiyaha Shirkadda Aerosom, Ismaaciil Cabdullaahi Gooni oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in hangarkan uu ka dhashay baahi Dalka ka jirtay, ayna isu kaashadeen sidii ay baahidaas uga haqabtiri lahaayeen diyaaraha duullimaadyada ka sameeya Muqdisho iyo gobollada Dalka.

Related Items


Leave a comment