Diyaarad ay leedahay shirkadda Jet oo shil ku gashay garoonka Ceelbarde ee gobolka Bakool

Thursday January 18, 2024 - 19:27:21
0 Comments
81
ahmed raajaa
CEEL BARDE
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay diyaarad maanta shil ku gashay ee Garoonka Ceelbarde ee gobolka Bakool, taas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, "Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay ummadda Soomaaliyeed u xaqiijinaysaa in diyaaradda nooceedu yahay Fokker 50 (F50) Cargo taargadeedu tahay 5Y-JWG oo u shaqeyneysay shirkada Jet ways ay ka baxday dhabaha ay caga dhigtaan diyaradaha ee Garoonka Ceelbarde manta oo ay taariikhdu tahay 18-January-2024 saacadu na ahayd 11:30 duhurnimo.”

Sidoo kale Hay’adda ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradda ay saarnaayeen illaa afar qof oo shaqaale ahaa, "Diyaarada waxaa saarnaa 4 qof oo shaqalaha diyaarada (Crew) waxa jira hal dhimasho, iyo hal dhaawac clus.”

Ugu dambeen Hay’adda ayaa sheegtay in ay weli waddo baaritaan la xiriirka shilka, "Hay’adda Dulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay wali ku guda jirtaa baaritaan ku saabsan shilkaas manta dhacay waxa ayna soo saari doontaa warbixin dhamaystiran marka la soo gabagabeeyo baaritaankaas.”

Related Items


Leave a comment