FOA: Hay'ada FAO International oo Mashruucyo Ku aaday Hilibka Xoolaha Bilowday

Sunday November 07, 2010 - 19:08:51
0 Comments
1957
Super Admin
Xafladaan lagu furaayay mashruucaan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa Hay’adda FAO Barkhad Cali oo sheegay in mashruucaan wajigiisa kowaad uu dhamaaday 2009-kii, maantana wajigiisa labaad ay furayaan ayna mashruucaan loogu talogalay in lagu hormariya hilibka si loo helo hilib iyo xoolo tayo leh oo la dhoofiyo.

Waxaa sidoo kale mashruucaan ka hadlay Sarkaal sare oo katirsan hay’ada FAO kaas oo sheegay in loo baahan yahay in mashruucaan uu noqdo mid ay si wanaagsan looga wada shaqeeyo qaybaha hay’adda iyo xubnaha kale.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xassan Shire ayaa si rasmi ah u furay mashruucaan,waxaana uu Wasiirku sheegay in mashruucaan uu yahay in la helo hilib tayo leh.

Wuxuu sidoo kale sheegay in mashruucaan uu yahay dhowr qaybood oo kala ah;

-Hormarinta Hilibka

-Sharciga Hilibka

-Qaabkii loo tayayn lahaa hilibka iyo xoolaha

Waxaana ugu muhiimsan dhoofinta hilibka taas oo qaab kala gedisan hilibka loo dhoofiyo sida xoolaha nool oo la dhoofiyo iyo iyadoo la dhoofiyo hilibka oo keliya.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in mashruucaan uu yahay mid fa’ido leh taas oo ay hay’ada laga doonaayo in ay ku dadaasho sidii loo heli lahaa hilib tayo leh oo dalka dibadiisa loo dhoofiyo.

Si kastaba mashruucaan ayaa ah mid kor lagu qaadayo hilibka xoolaha taas oo la doonaayo in la helo hilib xoolo oo tayo leh.

Related Items


Leave a comment