GABADH ALLE KA CABSATAY ALLENA CISEEYEY (qiso dhab)

Wednesday November 17, 2010 - 09:01:49
1 Comments
5556
Super Admin
Waxaa la sheegay in uu nin guursaday gabadh aad u qurux badan aad buu u jeclaa iyaduna aad bay u jeclayd laakiin waqtiga duruufihiisa ayaa ku khasbay ninkii in uu u safro magaalo kale si uu u raadsado maciishad iyo biil reerkiisu ku noolaado. Intii aanu ka bixitimin reerkiisii waxaa uu doonay cid uu kaga sii tago gabadhiisa uu aadka u jeclaa waxaanu isKu qanciyey in uu kaga tago walaalkii oo ay walaalo ka yihiin xaga aabe iyo xaga hooyoba

Arinkaas ayuu u soo bandhigay walaalkii waxaanu kaga tegay reerkii waxaa uu u kicitimay halkii yoolkiisu ahaa,Laakiin waa yaabe marnaba ma xasuusan xadiiskii rasuulku yidhi (alxamu mawt)Waxaa iska socday maalmaha iyo habeenada waxaana ninkii gabadha qurux badan lagaga tegay uu go’aansaday in uu khasbo gabadha oo fara xumeeyo wayse diiday, waxaa uu ugu hanjabay hadii ay diido in uu ku fadeexadin doono ninkeeda oo war uu u sheegi doono, laakiin taasna way ku gacan saydhay oo waxay ku tidhi ku dheh walaalkaa waxaad doonto aniga ilaahay ayaan wakiishee oo igu filaneCajiib! Yay talo saaratay allaah swt waana ka yidhi (ninkii illaahay talo saarta illaahay baa ku filan)

Waa kaas iimaankii dadkii hore ee umadeena ahaa .

Waxaa soo noqday ninkii maqnaa waxaana uu ku yidhi walaalkii waar heedhe walaal gabadhii aad igaiga tagtay dee ka jiifsan waayay oo aniga ayuun bay doonaysay in ay I khasabto intaad maqnaydba waar iska fur wuxu waa gabadh xune .!Waxaa ay doontay in ay doodeeda furato kamase hadashiin ninkeedii ee waa uu furay iska tag waad furantahee.

Waxay ka dhaqaaqday halkii ay taagnayd waxaay u jeesatay halkii ay xigtadeeda ku ogayd waxay soo lugaysay dhul qarfe ah waxay soo dhex jibaaxday buuro iyo saxare waxayna la kulantay wadaad meel cidla’a degan oo ku leh masaajid way ku soo leexatay ,waxaanuka waraystay xaaladeeda waxay uga warantay qisadeedii oo dhamays tiran.Waxaa uu ku yidhi ka waran hadii aad ila joogto oo aad ii hayso wiil yar oo bilaa hooyo ah oo aad koriso oo khimad ama mushqaayad aan ku siiyo ,waxay ku tidhi hawraarsan iyo yeelay

Waxay sidaa ku wadato hawsheediiba wadaadkii ayaa safray waxaana uu kaga tegay halkaas gabadhii iyo wiilkii yaraa iyo ninkii shaqaalaha ahaa ee xoolaha raaci jiray.Waa yaabe gabadhii waxaa soo weeraray ninkii xoolo raaca ahaa oo doonay in uu ka muraadsado laakiin way diiday waxaan u daruurtay gaashaanka, balse waxaa uu ugu hanjabay in hadii ay diido uu u gaysan doono dhibaato aan weligeed ka hadhin.Waxay ku tidhi ilaahay baan talo saartay waxna ima yeeli kartidWaxaa uu la kacay mindi waxaanu gawracay wiilkii ay korinaysay ee loo aaminay.wadaadkii markii uu yimina waxaa uu u sheegay in wiilkii ay dishay gabadhani .

Wadaadkii ma canaanan gabadhii ee waxaa uu siiyey laba diinaar oo ay ku lahaydWaayo sifaha qofka muslimka ayay ka mid tahayin uu dul qaato(kuwa cadhada iska demiya ee dadka ku khaldamana iska dhaafa ilaahay baa jecel )waxaa uu amray in ay qaadato lacagtaas iskana tagto.Waxay ka tatay gurigii wadaadka waxaanay u socotay halkii ay ku ogayd dadkeediiWaxaa ay la kulantay iyadoo dariiqii maraysa nin dad badani budh la dhacayaan oo ku qaylinayaanMarkaasay naxday oo u naxariisatay oo ku tidhi waar maxaad u dilaysaan ee uu idinyeelay waxay yidhaaheen:wuxuu naga daynsaday laba diinaar oo uu na siin waayey!

Oo bal ka warama hadaan idin siiyo labada diinaar ma sii daynaysaan ayay waydiisay kooxdii?
Haa ayay ugu jawaaben.iyo hooya oo ay ku tidhi miskiinkana sii daaya.Waxay ka sii daysay kooxdii waxaana ninkii uu ku farxay sama falka ay u samaysay gabadhaasi waxaanu la sii sheekastay cabaar oo uu ka waraystay xaalkeeda waxaanay uga warantay qisadeedii oo dhamays tiran.Waxaa uu soo jeediyey in ay is raacaan oo rafiiqaan wadankana ka tagaan oo wadan wanaagsan ay qabtaan taasna way isku waafaqeen.

Waxaa ay yimaadeen xeebtii doon baxaysa ayay arkeen waxaana ay yidhaaheen aynu korno doontan
Waxaa ay ku tidhi raga ayaa hor kora ee kor waxaa ay diidaysay marka ay doonida korayso in uu ka danbeeyo oo ay u muuqdo jirkeedu .Waxaa hor koray ninkii laakiin maxaa dhacay waxaa uu la faqay naakhuudihii waxaanu ku yidhi ma aragtaa gabadhaa iga danbaysa haa ayuu yidhi !

Ninkii: ma iga iibsanaysaa waa adoon taydii ye oo aan iib u wadee?
Naakhuudihii: nacam mid la diidoba maaha taasiye
(qiimihii baa hoos loogu heshiiyey waana uu ka qaatay lacagtii)
waanu ka degay gabadhiina way soo kortay ,
markii doonidii dhaqaaqday ee badwayn ay marayso ayaa naakhuudihii iyo kooxdiisii yidhaaheen haye ,haye kumee gabadheey .


Gabadhii oo yaaban ayaa tidhi maxaa dhacay ?
waxay ka cadhoodeen hadalkeedii waxaanay ku soo boodeen mar qudha iyagoo leh miyaadan ahayn adoontayada?
Gabadhii :adoon maxayah ?
Kooxdii doonta ayaa uga waramay qisadii ninka waxaanay yidhaaheen maadaama aanu ku leenahay oo ku iibsanay waa in aad noo ogolaataa in aanu kaa muraadsano.
Waar ilayn anagaa wax aragnay !


Waxay aragtay halka xaal la marayo waxayse mar walba xasuusnayd in ilaahay uu yahay ka qudha ee u hiilin kara(illaahoow kuma caasiyi karo mana rabo in wuxuushtani I taabtaan ilaahoow fereg deg deg ah ayaan kaa tuugsanayaa maanta waad ogtahay laabtayda waxa ku jira inaanan weliga u badheedhin macaasiye)mar qudha ayaa doontii gariirtay oo aay la ruxantay mawjado qoladii tuugada ahaydna dib u fadhiisteen doontiina waxaa qaatay oo ruugay mawjadaha halkaasna waxaa ku hoobtay dhamaan wasakhdii saarnaydilaahay adoonkiisa fiican isagaa yaqaan siduu uga badbaadiyee waxaa u soo go’ay gabadhii qori loox ay doontu lahayd

waxay dusha uga baxday qorigii oo gaadhsiiyey xeeb waxaana arkay looxa gabadhu saarantahay boqor muslima oo dalxiis u joogay xeebta waxaa uu amray in la soo badbaadiyo gabadha markii loo keenayna waxaa uu ka waraystay xaalkeeda waxaanay uga warantay qisadeedii bilowgii ilaa dhamaadkii
waxaa aad ugu uga naxay qisooyinka soo maray waxaanu ku tahniyadeeyey taqwadeeda iyo sabirka ay u yeelatay dhibaatooyinkii soo maray .


mudo yar ka dibna waxaa guursaday boqorkii waxaanay u dhashay caruur magac ku yeeshay diinta islaamka waxaa geeriyooday boqorkii waxaana shiray madaxdii boqorka la talin jirtay oo ku taliyey in boqornimada loo caleemo saaro gabadhaa oo ahhayd gabadh aad u caqli badan oo alle ka cabsigeeduna aad u waynaa.Waxaa ay soo shirisay dadkii wadankaas deganaa waxaanay markii la isu yimi ka dhex aragtay
*ninkii u horeeyey ee guursday iyo walaalkiisii beenta ka sheegay iyada(xagaas u baxa labadiinu ayay tidhi)
*waxay aragtay mar labaadkii wadaadkii iyo dhoobigii adhiga u raaci jiray ee beenta ka sheegay (labadiinuuna xagaa u baxa ayay tidhi)


*waxay aragtay mar sedexaadkii nacaskii khiyaameeyey ee doonta ka iibiyey(adigu xagaas u bax ayay tidhi)
*labada u horeeya ayay xukuntay oo tidhi kii I furayow adigu wax ma hubsadaad tahaye isa tag denbi kale ma lihide
*kii beenta ka sheegayna waxay tidhi adiga xadul qadaf ayaad gashay oo been baad iga sheegtay ee waxaa lagugu dhufanayaa 80 ulood
*wadaadkii iyo dhoobigiina wadaadkii waxay ku tidhi adigu wadaadow wax ma hubsadaad tahay ceeb kale ma lihide iskana soco
*kii dhoobiga ahaana waxay tidhi hala dilo naf ayuu dilee (waa wiilkii uu dilay)
*nacaskii ay ka bixisay labada diinaar ee iyada dib u khiyaamyeyna waxay ku tidhi adiga waxaad tahay doqon waxaanad ku xukumantahay xabsi dheer .
dhamaadkii qisada


qof kasta oo ilaahay ka baqa illaahayna waxaa uu ku abaal marinayaa wanaag aakhiro iyo aduunkaba mana dayacayo illaahay swt ajarka dadka wanaagsan
qof kasto oo muslima ha iska ilaaliyo denbiga iyo macaasida ilaahayna ha xasuusnaado meel kasta oo uu joogo hana ka baqd


WQ: Mohamed daahir.E-mail:mahamedxibrahim@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment