BTS: Wasiirka warfafinta DFKM oo sheegay inay xiriirka u jaren SARACEN International

Monday January 24, 2011 - 20:14:09
0 Comments
1737
Super Admin
Wasiirka warfafinta DFKM C/karin Xassan Jaamac ayaa sheegay inay Dowladu xiriirka u jartey SARACEN International oo ah shirkad ajnabi hishiisna ay la gashay horay dowladu.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaala gashay heshiis aan weli shaaca laga qaadin oo lagu tababarayo ciidammada ammaanka, gaar ahaan ilaalada gaarka ah ee madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna wasiirka sheegay inasan aqbali Karin inay dalka ka howlgasho shirakado uu ugu yeeray inay calooshood u shaqeystayaal yihiin.

“Ma aqbali karno in dalkeenna ay ka howlgalaan shirkado calooshood u shaqeystayaal ah, dhawaana xiriirka ayaan u jaraynaa shirkadda Saracen International”ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/kariim Xasan Jaamac.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/kariim Xasan Jaamacayaa waraysi siiyay wargeyska The New York Times oo ka soo baxa dalka Mareykanka, wuxuuna sheegay in heshiiska dhexmaray DKMGah iyo shirkadda Saracen, uu ahaa in tababarro la siiyo ciidammada dowladda.

Dhankakale Dowladda Maerykanka ayaa iyana sheegtay inaysan la socon heshiis dhexmaray dowladda KMG ah eeSoomaaliya iyo shirkada Saracen International ee hadda ku sugan Dalka Sioomaaliya.

Saciid aXmed

Related Items


Leave a comment