BTS: Shirkad aSaracen International ayaa shaqada si rasmi ah looga joojiyey

Friday January 28, 2011 - 18:52:24
0 Comments
1387
Super Admin
kulan ay yeesheen golaha wasiirada Dowlada KMG oo uu shir gadoominayey Rasialwasare Farmaajo ayaa waxaa si rasmi ah looga joojiyey shaqada shirkada Sarecen International.

Kulanka uu shalay Raysalwasaaraha soomaaliya markii uu dalka dib ugu soo laabtey la yeeshey golihiisa wasiirada ayaa looga dhawaaqey in shirkada Sarecan International shaqo joojin lagu sameyey isla markaasna aysan ka shaqo geli karin dalka soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen golaha wasiiraduu waxaa muddo ka badn hal saac looga doodayey waxqabadka Shirkada Sarecan International & faa'idiada & qasaaaraha ay dadka & dalka u soo kordhin karto,waxaana golaha wasiiradu isku raceen in shaqo joojin lagu sameeyo shirkadaasi.

Dhamaan Golaha wasiirada dawlda kmg ah ee soomaaliya waxay daaha ka qaadeen inaysan ilaa & hadda fahansaneyn waxqabadka shirkadaasi,waxaana ay sheegeen inaysan u dulqaadan karin in shirkado shiisheeye dalka ka hawlgalaan oo aan la ogeyn waxqabadkooda,waxaana ay sheegeen inaysan taako soomaaliya ka mid ah ka hawlgali karin shirkadaasi.

Axmed Dataat

BTS online

Related Items


Leave a comment