Sweden; Amal Express Lanta Göteborg oo ruqsadii lacag dirid heshay .

Sunday March 13, 2011 - 23:54:04
0 Comments
3596
Super Admin
Goteborg: Xawalada Amal Express Goteborg; ayaa waxay noqotay shirkadii ugu heraysay ee hesha sharcigaa lacag diritaanka ee la yiraahdo Eruopian payment Services Directive

Xawaalada Amal ExpressGoteborg; waxay Macaamiisheeda Soomaaliyeed la socodsiinaysaa sharciyada cusub ee laga soo saaray midawga Yurub oo dhan, sharcigaas oo qeexaya lacag dirista iyo qaadashada.

Sharcigaas oo soo baxay 1-dii Ogoosta 2010, laga soo bilaabo xiligaas waxaa dhaqan galay sharci la yiraahdo Payment Services Directive kaas oo oranaya shirkadkasta oo lacag ka shaqaynaysa waa in ay haysataa ogolaanshaha lacag diritaanka.

Sharciga cusub

Xawalada Amal ExpressLaanta Goteborgayaa waxay noqotay shirkadii ugu heraysay ee heshay sharcigaa muhiimka ah ee lacag diritaanka oo la yiraahdo Eruopian payment Services Directive.

Sharcigaasi wuxuu u ogolaanayaa si sharci ah in Amal express in ay ka shaqayso lacag diris iyo bixinba.

Maxaa looga baahanyahay qofka lacag diraha ah?

Sharcigaan ayaa wata sharuudo looga baahan yahay lacag diraha, sida in laga xaqiijiyo qofka lacag dirah ah in uu dhiibo:

1. Magaca oo saxan

2. Personal no

3. Address

4. Telefone

Wargali:

Waxaan ku wargalinaynaa dhamaan macaamiisha sharafta leh in ay u fududeeyaan shaqaalaha shirkada waxii macluumaad ah ee looga baahan yahay si loo xaqiijiyo sharrciga cusub ee dalka ka hirgalay.

Websiteka:

Waxaan kale oo kusoo kordhinay shaqada Amal Express ee Sweden, homepage cusub oo aad kala socon kartaan maalinwalba sarifka doolarka. Homepage waa http://www.amalgoteborg.com/

Shirkada Amal Express waxay u taagantahay marwalba iyo saacadwalba u adeegida bulsho waynta Soomaliyeed. Intaas kadib ha ku qancinina wax ka yar intaan idiin hayno.

Amal ExpressGoteborg Xarunta guud

Adress: Genaralgatan 2A

41505 Bellevue Göteborg

Tell Comviq 0736294606

Lyca 0764378599

Line 031-199535

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment