Faallo: Google.so oo Hawada si Rasmiya u soo Galay iyo Faa’iidooyinka ku Jira Q 1aad

Sunday June 05, 2011 - 14:18:23
0 Comments
3072
Super Admin
Google.so oo Hawada si Rasmiya u soo Galay iyo Faa’iidooyinka ku Jira Q 1aad
25kii May oo ay ahayd 48 sano guuradii kasoo wareegatay aasaaska ururka Midawga Afrika ayay Shirkadda Google waxay ku beegtay iney hawada soo galiso bogga Google.so oo noqon doono fadhiga luuqada afka Soomaaliga ee Shirkadda Google, waxaana maalintani Sumadda shirkadda Google badhtanka loo galiyay Qaaradda Afrika, si loo wayneeyo xuska 48 sano guuradii kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay ururka midawga Afrika.

Google ayaa hawada soo galisay Muuqaalka waajahaada bogga Google ee luuqadda afka Soomaaliga oo cinwaankiisu yahayhttp://www.google.so/, kaasi oo noqon doono barta Soomaalida u sahli doonto iney kala socdaan dhamaan adeegyada shirkadda google ay ku bixiso dhinaca Online-ka, iyagoo uga bogan doona luuqadooda afka Soomaaliga.

Google oo kamida shirkadaha ka ganacsada dhinaca internet-ka iyo Barnaamijyada software-ka ee kumbiyuutarada ayaa noqonaysa shirkadii ugu horeysay ee hawada soo galisa cinwaankeeda Google oo uu ku lamaan yahay Domainka amaba fadhiga cinwaanka internetka ee dalka Soomaaliya kaasi oo ahhttp://www.google.so/.

Sanadkii hore ee 2010 gudihiisa ayay ahayd markii ay soo baxday in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee dawladda KMG ee Soomaaliya ay ku wareejisay furihii Soomaaliya ee dhinaca internet-ka ee DOT SO, shirkad Jabaaniis Ah oo lagu magacaabo GMO Registry, taasi oo maareyn doonta iibinta, xakameynta iyo qiimeynta Domainka Soomaaliya ee dhinaca internet-ka.

Shirkadda Google ayaa waayadanba waday aruurinta xogaha kusoo bixi doono waajahaada hore ee Boggeeda afka Soomaaliga, iyadoo turjuumadda Bogga afka Soomaaliga ah u martay isla markaana u dejisay ilaa iyo dhawr hab oo ay ku doonaysay iney ku hesho xogga badan oo ku saabsan luuqadda afka Soomaaliga qaabkii loogu turjumi lahaa waajahaada hore ee google ee afka Soomaaliga (Google Somali Interface) oo sidaan hoose noqon doona.

Waxaa turjumaadda bogga Google ee luuqada afka Soomaaliga ka qeyb qaadtay shakhsiyaad badan oo la is dhihi karay waxay aad u garanayaan af Soomaaliga, waxaana loo maray qaabab kala duwan si loo helo fasiraado kala duwan oo dhinaca eraybixinta ah ee luuqada afka Soomaaliga.

Hormarinta Afka Soomaaliga ee Dhinaca Golayaasha (Forums)

Waxay hawl wadeenada shirkadda Google ee qaaradda Afrika oo iyagu ahaa cidda gacanta ku haysay maareynta iyo horumarinta luuqadaha afrikaanka ah ee shirkadda Google ay darbiyeen amaba ay hirgaliyeen golayaal dhinaca Online ah oo ay ku aruurinayeen turjumaadda luuqadda Afka Soomaaliga ee ku saabsan erayada iyo jumlooyinka kusoo baxaya bogga kore eehttp://www.google.so/ si ay suura gal u noqoto in la helo turjumaado laisku halayn karo.

Waxaa golayaashani ka qeyb qaadtay qaar badan oo kamida Soomaalida isticmaasha internet-ka oo iyagu danaynayay iney wax ku yeeshaan aruurinta turjumaadda ay dhinaca online-ka ka waday Shirkadda Google, iyadoo sidoo kalana ay jireen shakhsiyaad gaar ula soo xiriirayay shirkadda kuwaasi oo iyaguna ka qeyb qaadanayay turjumaadda luuqadda afka Soomaaliga ay uga baahnayd shirkadda Google si loo horumariyo hanaanka amaba muuqaalka uu yeellan doono waajaha (Interface) shirkadda Google ee luuqadda Afka Soomaaliga.

Xafiiska Kenya oo qabtay Seminaar lagu fadhiisinayay turjumaadaha la helay

Si ay Shirkadda Google ee uu fadhigeedu yahay dhabaha 1600 Amphi theatre parkway ee deegaanka Mountain View Gobolka California ee dalka Mareykanka ay guud ahaanba u fadhiisiso turjumaadihii soo xarooday iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee dheeriga ah ee luuqadda Afka Soomaaliga ayay waxa uu xafiiska magaaladda Nairobi ee dalka Kenya qabtay Kullan ay kasoo qeyb galleen xirfadlayaal Soomaaliya oo u badnaa saxafiyiinta qurba joogga ah kuwaasi oo qeyb ka noqday sixitaanka turjumaadii la hayay ee luuqadda Afka Soomaaliga si loo gaarro boggahttp://www.google.so/.

Kullankan oo ay kasoo qeyb galleen hawl wadeeno kasocday shirkada Google xafiiskeeda Africa oo ku yaalla Koonfur Afrika iyo sidoo kale qaar ka tirsan shaqaalaha horumarinta luuqadaha afrikaanka oo iyaguna ka socday xafiiska Nairobi ee Dalka Kenya, kuwaasi oo aan u fududeeyay Kullankaasi lagu bartilmaameedsanayay sixidda turjumaadii la hayay.

Kullankan oo aanu ku qabanay xarunta Internet-ka ee Hotel-ka Bushra City Hotel ee ku yaalla wadada Wairungi Street ee isgoyska 12-aad ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, ayaa waxaan halkaasi isugu keenay in kabadan 10 ruux oo si wanaagsan u garan karay luuqadda Afka Soomaaliga iyo marka loo rogayo turjumaadda luuqadaha ajnabiga ah gaar ahaana luuqadda ingiriisiga oo iyadu ah tan ugu balaaran ee ku qoran adeegyada dhinaca Online gaar ahaana adeegyada shirkadda Google.

Waxaan halkaasi ku aruurinay turjumaadihii la is oran karay waa kuwa ugu saxsanaa ee dhinaca luuqadda Afka Soomaaliga, iyadoona wali aysan dhameystirneyn tarjumaadda loo baahan yahay oo idil, maadaama ay luuqaddu aad u ballaaran tahay oo ay kamid tahay luuqadaha ugu hodansan caalamka marka laga eego dhinaca suugaanta iyo naxwaha luuqadda.

Denis Gikunda oo ah Madaxa qeybta koobidda luuqadaha Afrikaanka ee qaaradda Afrika iyo gabadha lagu magacaabo Nanjala Misiko oo iyaduna ka tirsan hawl wadeenada Shirkadda Google ee qaaradda Afrika ugu xilsaaran horumarinta luuqadaha ayaa kullankaasi waxay la yeesheen kooxdaas Soomaalida ah oo u badnaa wariyayaal qurba joog ah oo iyagu noqday kuwoodii ugu horeeyay ee aanu isu keeno si ay uga qeyb qaadtaan horumarinta luuqadda Afka Soomaaliga iyo boggahttp://www.google.so/ ee Shirkadda Google, waxaana kamid ahaa akhyaarta kullankaasi kasoo qeyb gashay:

  1. Axmed Cabdisamad Cilmi oo haatan kamida wariyayaasha Hiiraan Online
  2. Cabdiqaadir Cali Siyaad oo ka tirsan hawl wadeenada Bogga Horumar Online
  3. Hindo Maxamuud Xussein (Gurey) oo ah saxafiyad wax ka barata Jaamacadda Nairobi
  4. Maxamed Cumar Xuseen oo kamid ardeyda jaamacadda Mareykanku ku leeyahay Nairobi
  5. Axmed Maxamud Maxamed (Xiish) Madaxa urur dhalinyaro oo lagu magacaabo Som
  6. Hamze Yussuf Aaden oo kamida xirfadlayaasha dhinaca IT-ga
  7. Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue) waxa uu kamid yahay hawl wadeenada ciyaaraha Soomaaliya
  8. Abdikhadar Nuur Mohamed (Filibiin) oo kasocday shabakadda Saadaal.com
  9. Xamdi Ali Warsame (Xamdi Xiis) oo ka tirsan wariayaasha Qurba Joogga ah
  10. Leyla Yussuf Axmed oo kamida ardeyda Soomaalida ee wax ka barta Kenya
  11. Xassan Bulxan Ali waa hal abuure Soomaaliya oo ka tirsan wariyayaasha qurba joogaa Soomaalida
  12. Amiin Cabduraxman Maxamed xirfadyaqaan dhinaca IT-ga ah, gaar ahaana dhinaca Onlin-ka
  13. Cabdulxamiid Abuukar Cabdiweli: xirfadyaqaan dhinaca IT-ga ah, gaar ahaana dhinaca Onlin-ka

Dhamaan asxaabtani ayaanu iskala qeyb qaadanay kullankii aanu ku qiimeynay turjumaadihii la hayay iyo kuwii ka dhimanaa boggahttp://www.google.so/, iyadoo hal maalin aanu kusoo idlaynay inaan ku fariisino turjumaadihii la hayay iyo sidoo kale kuwii ka maqnaa bogga Google ee luuqadda Afka Soomaaliga, waxayna maalintaasi noogu soo dhamaatay hawsheenu qaab wanaagsan oo ku dhameystirnay turjumaadihii looga baahnaa wajiga hore ee luuqadda Afka Soomaaliga

Faa’iidooyinka ku lammaan gaadhitaankahttp://www.google.so/

Iyadoo caalamka uu ka jiro loollan dhinaca Suuqa ah markaad fiiriso bulshada online-ka caalamka ayay arintani waxay noqonaysaa faa’iido u soo korortay shirkadda Google oo iyadu horay u haysatay bixinta adeegayada ugu badan ee dhinaca online-ka caalamka, iyo tarjumaadaha ugu badan ee lagu sameeyo shirkadaha ugu awoodda badan dhinaca internet-ka caalamka, waxaana shirkadahaasi ay loolanka kula jirto kamida shirkadda Microsoft, Facebook, iyo Shirkadda Apple oo dhamaantood laga wada leeyahay dalka Mareykanka, waxayna arintani Google ka dhigeysaa shirkadii ugu horeysay ee gaarta Domainka Soomaaliya taasoo ka socotay shirkadaha caalamka ugu waaweyn ee laga leeyahay Dalka Mareykanka.

Waxayna arintani kordhin doontaa shaqaalaha shirkadda Google oo bishii Maarso ee sanadkan tiradooda lagu sheegay 26, 316 ruux oo ka shaqeeya dhamaan xafiisyada shirkadda ee ku yaalla dalalka caalamka.

Dhinaca Bulshada ku nool geeska afrika ee ku hadasha afka Soomaaliga ayay u tahay guul weyn oo u soo hoytay oo ku aaddan in luuqadooda hooyo ay ku biirtay luuqadaha lagu bixin doono adeegyada lagu bixiyo dhinaca Online-ka maadaama shirkadda ugu weyn bahwadaagta Online-ka caalamka ay gaartay iney soo bandhigto boggeeda oo laga heli doono dhamaan adeegyadeeda ku tarjuman luuqadda afka Soomaaliga, si ay bahwadaagta Soomaaliga ku hadasha ee ku kala nool Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya ugu fududaato fahamka guud ee wax soo saarka iyo adeegyada shirkadda Google ee dalka Mareykanka(Google Products and Services).

Xafiisyada Shirkadda Google ee Dalalka Caalamka

Shirkadan oo markeedii ugu horeysay lagu aasaasay halka lagu magacaabo Menlo park oo ka tirsan gobolka California ayaa waxaa markeedii ugu horeysay aasaasay Lary page oo haatan ah agaasimaha guud ee shirkadda iyo sergey brin sanadku markuu ahaa 1998, iyadoo sanadkii 2010 la shaaciyay in raasumaalka shirkadda uu gaarayo $ 57.851 Bilyan oo doolarka mareykanka ah.

Iyadoo kaliya 13 sano oo qura laga joogo wakhtigii la helay amaba la gaaray shirkadda Google ayaa waxaa suura gal u noqday iney gaarto inta badan qaaradaha caalamka iyadoo ay shirkaddu xafiisyo ku leedahay inta badan dalalka caalamka gaar ahaana kuwooda ugu horumarsan dhinaca tiknoolajiyadda waxaana xarumaha shirkadu ay ku leedahay caalamka kamida:

Waqooyiga Mareykanka- Mareykanka iyo Canada

Dalka mareykanka oo ah halka sida rasmiga ah looga leeyahay shirkadda Google waxaa ku yaalla xafiisyada ugu balaaran dhinacyada shaaqalaha, horumarka tiknoolajiyadda, adeegyada ay helaan kalyantiga iyo shaqaalaha labadaba waxayna shirkaddu xafiisyo badan oo aad loo qalabeeyay ku leedahay qaar kamida gobolda mareykanka.

  1. California, waxaa ku yaalla xarunta ugu weyn ee google oo ku taalla Mountain View, waxayna sidoo kale deggan tahay Irivine, Santa Monica iyo San faransisco oo California kamida
  2. Gobolka Texas waxay shirkaddu kaga sugan tahay magaalooyinka Austin iyo Coppel
  3. Gobolka Georgia waxay shirkaddu ka deggan tahay magaalada Atlanta
  4. Gobolka Michigan waxay shirkaddu kaga sugn tahay Detroit iyo Ann Arbor
  5. Gobolka Colorado waxay shirkaddu ka deggan tahay Boulder
  6. Gobolka Massescutses kaga sugan tahay magaalada Cambridge
  7. Gobolka Illinois waxay shirkaddu ka deggan tahay magaalada ugu weyn ee Chicago
  8. Gobolka Washington waxay Shirkaddu ka deggan tahay Kirkland iyo Seatle
  9. Magaalada Newyork waxay shirkaddu ka deggan tahay dhawr meelood oo ay kamid yihiin Chelsea Market Place, Google New York.
  10. Gobolka Pennysylvania waxay shirkaddu ka deggan tahay magaalada Pittsburgh
  11. Gobolka Virginia waxay shirkaddu ka deggan tahay Reston
  12. Sidoo kalana waxay Google deggan tahay Washington DC oo caasimadda ah

Dalka Canada oo isaguna ku yaalla Waqooyiga qaaradda Ameerika ayaa kamida goobaha ay shirkadda Google xafiisyada ku leedahay, waxayna shirkaddu ku leedahay xafiisyo kala duwan oo ku yaalla magaalooyinka :

  1. Montreal oo gobolka Quebec ah,
  2. Toronto oo ka tirsan gobolka Ontario
  3. Iyo sidoo kale deegaanka Waterloo oo ka tirsan isla gobolka Ontario

Xafiisyada Koonfurta Mareykanka (Latin America)

Koonfurta Mareykanka oo ay ka jirto kobaca bulshooyinka dhinaca online-ka ayaa kamida goobaha ay Xarumaha ku leedahay shirkadda Google, waxayna koonfurta mareykanka kaga sugan tahay:

  1. Buenos Aires oo ah caasimadda Argentina.
  2. Sao Paulo oo ah xarunta Dalka Baraasiil.
  3. Caasimadda Mexico ee Mexico city,

Xafiisyada Qaaradda Aasiya gaar ahaana dalalka Baasifiga

Shirkadda Google waxay xafiisyo ballaaran ku leedahay inta badan dalalka qaaradda Aasiya, waxaana xafiisyadaasi ay ku kala yaallaan dalalkan hoose:

  1. Australia, waxay shirkadu kaga sugan tahay magaalooyinka Melbourne iyo Sydney
  2. Shiinaha waxay shirkadu ka degan tahay caasimadda Bakiin, Guangzhou iyo Shanghai
  3. Hong Kong iyo Singapore ayaa kamida goobaha ay ka degan tahay qaaradda Aasiya
  4. Dalka Hindiya waxay shirkaddu ka joogtaa Bangalore. Gurgaon, Heydarabad iyo Mumbai
  5. Dalka Jabaan waxay shirkaddu kaga sugan tahay Tokyo iyo Osaka
  6. Dalka kuuriyada koonfureed waxay shirkaddu ka joogtaa magaalada Seoul
  7. Taiwan waxay shirkaddu ka degan tahay Taipei

Xafiisyada Google ee qaaradda Yurub

Shirkadda Google sidoo kale waxay xafiisyo baahsan ku leedahay inta badan qaaradda yurub waxaana xafiisyadaasi kamida:

  1. Xafiiska magaalada Prague ee dalka Czech Republic
  2. Denmarka waxay ka deggan tahay magaalooyinka Aarhus iyo Copenhagen
  3. Finland waxay shirkaddu ka deggan tahay Helsink
  4. Faransiiskana waxay shirkaddu ka deggan tahay Paris
  5. Dalka Jarmalka waxay shirkadda Google ka deggan tahay Hamburg iyo Munich
  6. Dalka Hungary waxay shirkaddu ka deggan tahay caasimadda Budapest
  7. Magaalada Dublin ee dalka Ireland ayaa kamida goobaha ay shirkaddu deggan tahay
  8. Dalka Talyaaniga waxay Google ka deggan tahay magaalada Milan
  9. Magaalada Brussels ee caasimadda Belgium ayaa kamida goobaha ay degan tahay
  10. Caasimadda Athens ee Dalka Greece ayay Google xarun ku leedahay
  11. Magaalada Amsterdam ee caasimadda Holland ayaa kamida goobaha ay deggan tahay
  12. Oslo iyo Trondheim oo Norway ah ayay sidoo kale deggan tahay Google
  13. Poland waxay google ka deggan tahay Krakow iyo Wroclaw
  14. Dalka Ruushka waxay Google ka deggan tahay Moscow, St. Petersburg
  15. Spain waxay shirkaddu ka deggan tahay Madrid
  16. Sweden waxay Google ka deggan tahay Stocholm iyo Luleå
  17. Dalka Switzerland waxay google ka deggan tahay Zurich
  18. Dalka ingiriiska amaba UK waxay shirkaddu deggan tahay London iyo Manchester.
  19. Dalka Ukraine waxay deggan tahay magaalada Kiev
  20. Caasimadda Lisbon ayay ka deggan tahay Portugal

Xafiisyada Bariga Dhexe ee Shirkadda Google

Sidoo kale gobolka bariga dhexe ayaa kamida goobaha ay shirkadda Google xafiisyada ku leedahay waxayna shirkaddu ku sugan tahay:

  1. Magaalada Qaahiro ee caasimadda dalka Masar
  2. Shirkaddu waxay Israel ka deggan tahay magaalooyinka Xaifa iyo Tela viv
  3. Dalka Turkiga waxay ka deggan tahay magaalada Istanbul
  4. Isu tagga imaaraadka waxay ka deggan tahay magaalada Dubai

Xafiisyada Qaaradda Afrika ee Shirkadda Google

Qaaradda Afrika oo lagu tilmaamo qaaradda ugu dambeysa dhinacyada horumarada tiknoolajiyadda ee uu kumbiyuutarku kamidka yahay ayaa kamida goobaha ay shirkadda Google xafiisyada ku leedahay waxaana kamida dalalka ay xarumaha ku leedahay:

  1. Magaaladda Nairobi oo ay ka deggan tahay caasimaadda Nairobi
  2. Magaalada Accra ee caasimadda Ghana
  3. Magaalada Lagos ee Nigeria
  4. Senegal waxay ka deggan tahay caasimadda Dakar
  5. Xarunta Google ee Koonfur Afrika oo ku taalla Johannesburg

Mustaqbalka iyo Xiriirka aqoonyahano ku xeel dheer afka Soomaaliga

Maadaama ay Shirkaddu u baahan tahay iney horumarin aad u weyn oo dhinaca Online ah ay ku samayso luuqadda Afka Soomaaliga oo haatan kusoo biirtay luuqadaha ku qoran bogga shirkadda Google ayaa waxaa loo baahan doonaa aqoonyahano ku xeel dheer luuqadda Afka Soomaaliga, si loo horumariyo guud ahaanba luuqadda gaar ahaana qeybta turjumaadda ee Google translation-ka waxayna arintani suura gal ka dhigaysaa in loo baahdo aqoonyahano ku xeel dheer luuqadda Afka Soomaaliga, waxayse arintani ku xiran tahay qaabka ay shirkadda Google u dareento fursadaha suuqa dhinaca Online-ka ee laga heli karo bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga, si loo dhameystiro in la turjo guud ahaanba waxsoo saarka iyo adeegyada ay bixiso shirkadda Google.

Haddaba si arintani ay meel mar weyn u noqoto waxaa aqoonyahanada Soomaalida dhamaantood gaar ahaana kuwaado luuqada ku xeel dheer iyo kuwa wax ka garanaya dhinaca IT-ga, si loo dhameystiro dhamaan waxyaabaha ay dhinaca Online-ka ku bixiso shirkadda Wey nee Google, waxay mustaqbalka dhaw suurta galin doontaa in Shirkada Google ay xarumo ka furato dalka Soomaaliya, waxaase ka horeeya in la dareemo kobaca suuqa ee waxsoo saarka google iyo bulshada Soomaalida.

Waxayna arintani faa’iido u lahaan doontaa bulshada Afka Soomaaliga ku hadasho oo ka faa’ideysan doonta amaba nasiib u heli doonto iney wax uun ka saanyoodaan dhamaan adeegyada Shirkadda Google ay ku bixiso dhinaca Internet-ka.

Qeybta 2-aad ee Faalladan waxaan ku eegi doonaa wax soo saarka iyo adeegyada ay Google bixiso, qaabka lagu soo saaray iyo isticmaalkooda (Google products and Services).

W/Q Cabdiqafaar Axmed Shire

Wariye Dhinaca Tiknoolajiyadda wax ka qora

Qeybna ka ah Turjumidda Google.so ee Afka Soomaaliga.

Email: Abdikafarshire@gmail.com

Related Items


Leave a comment