Way cadaatay in ay Shabaabku yihiin mooryaan diimeed — By G/le Sare Omer Suleiman Ali

Thursday September 15, 2011 - 16:10:43
0 Comments
4206
Super Admin
Waxaan akhriyey warqaddii hanjabaadda ahayd ee uu qoray ninka la dhaho Fu’aad Shangole oo ka tirsan Shabaabta. Waxaan la yaabay nin sheeganaya diin Islaam ah oo waxaas xun ee aan diinta shaqada ku lahayn ku hadlay. Sida sawirka Shangole ka muuqata waa nin dhallin yaro ah oo aan gaadhin da’ uu ku noqdo waayo arag ruug caddaa ah, sida hadaladiisa ka muuqatana aan aqoon badan u lahayn diinta, xukun dawladnimana soo marin.
Wuxuu Alle na farayaa in aynu isaga mooyee cid kale laga cabsan, Shangolena wuxuu dadka farayaa in ay isaga ka cabsadaan ee aan Alle laga cabsan. Marka Shangole isaga oo Islaam sheeganaya sow ma aha nin meeshii Alle is geeyey oo doonaya in isaga cadaabkiisa laga cabsado. Haddii uu doonayo in dadku cabsadaan waxaa la doonayey in uu u sheego in haddii ay gaalada iyo munaafaqiinta isu soo bahaystay in ay diinta Alle cabudhiyaan ay gacan siiyaan oo ay iyaga u noqdaan garab uu Alle cadaabta gelin doono kana dayrin doono naxariistiisa ama jannadiisa.

Taas ayaa dadka cabsi gelin karta ee Fu’aad Shangole ayaa qoorta idinka jraya ma cabsin gelin karto waayo awood uu lee yahay in uu dadka deggan Muqdisho qoorta uga wada jaro waa sheeko baraley, Alle la’aantiisna cid sidaas yeeli kartaa ma jirto isaguna Alle ballan in uu dadka wada gawraco ugama haysto.Waxaan u arkaa in uu hadalka Fu’aad Shangole yahay hadal gaalnimo xambaarsan sidaas darteed waxaan sugayaa waa Shabaab uu soo taagta maxkamad Islaam ah kuna qaadda xukun wixii uu mutaystay, haddii kale waxay Shabaab noqonaysaa mid la qabta dembigaas. Midda kale waxaa sidaas oo kal u hadlay dadka aan diinta ehelka u ahayn lagu yaqaan, sida gaalada iyo munaafaqiinta.

Gaalada ayaa dadka ugu hanjaba hubkooda iyo xoogooda isaguna kama duwana, qofkuna haddii uu qof isaga oo kale ah ka cabsado Alle kama cabsan.Walaalayaal in ruux ama koox muslimiin ah uu qof islaam ahi jaajuuso oo gaalo u gacan geliyo waa dembi aad u culus, marka Shabaabta uu ka tirsan yahay Fu’aad Shangole waxyaabaha ay samaynayaan ma wax dhaba islaaminimada u waafaqsan baa mase iyaga iyo islaamnimadu waa kaaf iyo kala dheeri. Waxaan walaalayaal idiin sheegayaa mujtamaca Islaamku waa hal qof oo kale sidaas darteed haddii koox ay gaar isu magacawdo oo mujmacii Islaamka ay gaar ka noqdaan waa koox dulmi ku socota oo doonaysa wax gaar ah oo ay doonayaan in aanay la wadaagin walaalahood, sidaas darteed waa xaaraan koox gaar isu magacawdaa islaamk dhexdiisa.

Haddii la rabo in gardarada gaalada la iska dhiciyo waxay ahayd in shir weyne Islaamku qabsado kuna dhisto shuuro guud iyo mid gaar ahba oo is xukuma, talada Islaamkuna sidaas ku midaysanto, laakiin aniga ayaa muslim ah dadka qoorta ka jaraya waa edeb darro iyo diin xumo. Midda kale Fu’aad Shangole iyo kuwa kale ee madaxda ka ah Shabaab dembiga ay dadka ku dilayaan mid ka culus ayay ku wada jiraan habeen iyo maalin, marka sow dulmi ma aha in ay iyaga dadka xukumaan uuna diidaan in Alle iyaga iyo dadkaba xukumo.Marba haddii aanay xaqa sida uu yahay ugu socon in laga hor yimaaddo waa waajib muqadis ah ee dembi dadka lagu dilo ma aha. Si qaladaadka Shabaabta aan dadka u dareensiiyo waxaan halkan idiinku soo qorayaa eedaha aan u hayo dad intaas ka badan u hayaana waa ay jiri karaan. Waxa aan ku eedaynayaana waa run barax la’, haddii ay ka helaan wax yar oo been ah waa ii soo tebin karaan.
  • Waxaa gaar uga baxeen mujmacii Islaamka iyaga oo dan gaar ah ula jeedo uusan Islaam weyne la qabin yeeshay si gaar u ahna uga tashada.
  • Wada hadaladii nabad u raadinta kooxdii Ibigathi iyo midawgii maxaakiimta ee Jabuuti lagu qabtay iyaga ayaa burburiyey.
  • Dagaalkii Baydhaba iyada oo shuuradii diidday in la qaado duullaan ayay iyagu qaadeen.
  • Kismaayo ergadii Xisbul Islaam u diary waxay ku tilmaameen gaalo wayna la dagaaleen, dadkii ay ka laayeenna waxay amreen in aan lagu tukan waayo waa gaalo.
  • Waxay xisbul Islaam ka dileen ruux kasta oo siyaasadooda ka soo horjeeda waxaana caddayn u aha in markii ay isku darmeen ka dib aan ruux keliya oo xisbul Islaam ahaa la dilin, ayna dheheen cafis ayaanu u fidinnay, ruux dembi Alle ka galayna cid cafin kartaa oo aan Alle ahayni ma jirto.
  • Waxay dagaal ku qaadeen Jubooyinka iyaga oo ku xukumay Sh. Ahmed Madoobe in uu ridoobay iyada oo aanay waafajin shareecada Islaamka ayna dheheen sida aan u ridaynay Xisbul Islaamaw nala qaata caddayn la’aan.
  • Mahaday iyo meelo kale oo uu Xisbul Islaam gacanta ku hayey oo ay ku duuleen iyaga oo doonaya in Shabaab mooyee cid kale jirin, taasina jahaadka ay sheeganayaan ayay burinaysaa waayo magac ayay u dagaalamayaan ee kitaabka Alle uma dagaalamayaan.
  • Belet weyne sidoo kale ayaa ka dhacday ama dagaal hooya ama nooga baxay.
  • Magaalo dad Islaam ahi deggan yahay ayay ku duulaan markii ay qabsadaanna waxay dhahaan magaalo hebla ayaanu qabsannay, taariikhda Islaamkana sooma marin dad Islaam ah oo deegaan Islaam ah qabsaday oo sheegta.
  • Buur Xakaba dadka shareecada ku dhaqayey deegaanka ee maamulka Islaamiga ka midka ahaa ayay xabbad ku dhufteen sidii Kismaayo oo kale.
  • Diinta Islaamku xaggee ku qoraysaa in ruux shareecadii Islaamka ku dhaqmaya loo dilo in deegaanka la xukumo loona sheegto markaas mujaahidiin, Caydiid iyo Cabdirahman Tuurba ciidamadoodii dadka Islaamka laynayey waxay ku magacaabeen mujaahidiin ee maxay uga duwan yihiin.
  • Ilaa 4 — 5 jeer ayay Xisbul Islaam ka wada hadleen sidii loo midoobi lahaa runna kama ahayn ee dhagar ayay ka ahayd, mar walbana iyaga ayay ka soocon weydey, waayo ma aanay doonayn in manhajka qaldan sida ay u wataan wax laga beddelo.
  • Shuruucaha ay ku xidheen waxay ahayd markii ugu dambaysay madaxnimada isbahaysiga annaga na siiya, taas oo caddaynaysa in aanay mujaahidiin ahayn ee ay xukun doon yihiin, waana loo yeelay, haddana waa ay diideen waayo ma aanay rabin in manhaja qaldan la beddelo.
  • Markii ugu dambaysay waa kuwii qasabka kula wareegay iyada oo Xisbigu u arkay in dagaal dhexdooda ah ay ka roon tahay in sida ay rabaan loo yeelo Allena la talo saarto.
  • Xisbigii ay la wareegeen ciidan xoog badan iyo madax aqoon sare wax xushmo ah oo ay siiyeen ma jrto, ciidankii inta ay hawl geliyeen ayay madaxdii ciidankana ka kala dareereen taas oo aan dhaqan Islaam iyo mid gaal toona ahayn.
  • Waxaan u arkaa Maxamaed Cabdulle Xassan ninkii aan Daraawiishta ka mid ahayn wuxuu ka dhigay gaal uu dhiiggiisa iyo xoolihiisuba xalaal yihiin in la dhaco, shabaabtuna ruuxii aan Shabab ahayn waa gaal dhiigooda iyo xoolahooduna waa u xalaal, marka waa in ay ahaadaan TAKFIIR.
Markaas in Fu’aad Shangola dhaho dadka na jaajuusa waan laynaynaa wuxuu u arkaa in wixii aan shabaab ahayni yahay gaalo, dadkuna wuxuu iyaga u arkaa in ay yihiin Takfiir xaqna tahay in la iska celiyo oo weliba la dabar gooyo.

Marka haddii ay doonayaan in lala shaqeeyo waa in ay iyana dadka la shaqeeyaan oo ummadda Islaamka ah ee Soomaaliyeed talada masiirkooda wax ka siiyaan. Haddii kale qofka ay dilaan waa xaq darro wayna ku toobad seegayaan, kuna toobad seege. Allena ma u hiilin doono taladana waa uu ka luminayaa. Haddii ay doonayaan in adduunka xoog lagu islaamiyo diintu ma qabto in qofka lagu islaamiyo qasab. Qof qasab iyo cabsi dad ku islaamayna aqbal ma aha islaamnimdiisu.

Caalamka waa in diinta la baro oo lagu qanciyo in ay qaataan faa’iidooyinkeedana la baro ee ma ah in xoog loola tago. Waa in ay raadiyaan midaynta dadka Islaamka inta aan loo gudbin caalamka intiisa kale. Lana dhiso shuuro midaysan lacagaha la mideeyo baasaboorada la isu kala qaadanayo la dhaafo ruuxa muslimka ah uu dadlka islaamku u noqdo dalkiisii uuna sidaas uga qayb qaato difaaca Islaamka oo dhan,laakiin sida ay wax u wadaan iyaga iyo ururka Al-Qaaciida midna uma adeegayo ummadda Islaamka ah.

GUNAANADFu’aad Shangole waa in uu toobad keenaa dadka uu u gefeyna dembi dhaaf weydiistaa. Shabaabtuna waa in ay Soomaali ka mid ahaadaan oo wixii ay Soomaaliyi doonayso aanay ka weynaan. Markii Islaamka la mideeyo ayay dhici doontaa in la isu hiiliyo, iyada oo uu islaamkii islaam kale dilayo oo cadaw u yahay ma dhici doonto in Soomaaliya noqoto meesha keliya ee caalamka Islaamka oo dhan laga daafaco gaalada oo dhanna laga islaamiyo.

Sidaas darteed waa in ay talada ku soo wareejiyaan culumada iyo shacabka islaamka ah ee Soomaaliyeed.Nimanka ajnebiga ah oo u badan Jazz’iriyiin waa kuwii waddankooda ku soo fashilmay markii ay magaalooyin inta ay dadkii degganaa isu soo wada saareen sebi iyo sogobba mindida ku wada gawracay, qofkii aan iyaga ka mid ahaynna ku dhahay gaal, muddo ka dibna iyagii midiba mid gaaleeyey, diintana dadka kama badiyaan ugamana aqoon badna, nimanka dembiilayaasha Alle ah yaan ummadda loo dullaynin.

–––
G/le Sare Omer Suleiman Ali
omer.shalaqo@gmail.com

Related Items


Leave a comment