Mudane Maxamed Tuke oo xaley si heer sare ah loogu dhaweeyay magaalada London–

Wednesday September 21, 2011 - 09:35:10
0 Comments
608
Super Admin
Bombey Dream oo ku taal xaafadda Wembley ayaa lagu qabtey xafladii ugu wanaagsaneyd sanadkaan oo ay ka soo qayb galaan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee UK, kuwaasoo si wadajir ah u soo dhaweynayay qoys taariikh dheer iyo magac weyn ku leh isboortiga Soomaaliyeed hadii ay ahaan laheyd kubadda cagta iyo kubadda koleyga.

Waxaa xaflada loo qabtey oo lagu soo dhaweynayay marti sharaf sare oo ka yimid dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto, kuwaasoo ay kalaahaayeenciyaaryahan hore Maxamed Cabdullahi Xassan Tuke oo ay la socdeen aabihiis macalinkii qaranka macalin Cabdullahi Xasan Saalax ''Tuke iyo ciyaaryahan hore Xasan Cabdulaahi Xasan Tuke.

Xafladatan oo aheyd mid ka duwan xafladihii hore ee loogu qaban jirey magaalada London ayaa waxaa goobta soo camirey madaxdii isboortiga ee hore, kuwa cusub, ciyaartooydii hore wiilal iyo gabdho, ururada isboortiga ee ka dhisan magaalada London, fanaaniinta Soomaaliyeed ee degan magaalada London, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haweenka magaalada London, iyo dad si gaar ah loogu casumayay oo ka mid ah qaybaha bulshada Soomaaliyeed, wariyayaal, TV-yada ka howl gala magaalada London.

Dad badan ayaa meesha ka hadley, kuwasoo siyaabo kale duwan oo wanaagsan ku cabiraayay dareenkooda caawa islamarkaana sheegayay sida ay ugu faraxsan yihiin inay goob joog ka noqdaan soo dhaweynta macalin Tuke iyo wiilashiisa.

Dadkii ka hadley waxay kale ahaayeen mudane Axmed Shell, Advocate Xuseen Diriye, mudane Cabdulqaadir Isoomareey, Dr.Cunaaye,mudane Cabdi Dheeg, mudane Buuwe, mudane Maxamed Ismaaciil,mudane Shiine Guhaad, marwo Diib Cabdi Jaamac, marwo Aamino Faarax Sindiko,Xildhibaan Cali Afgooye mudane Muqtaar Shuute, Mudane Digeeye, mudane Dhumaaye.

Xaflada waxaa laga sii deyn doonaa TV-yada ka howl gala magaalada London dhamaantood sida uu ii sheegay mudane Shirwac Guuleed oo ahaa ninkii barnaamijka duubayay, marka madaama dadka oo dhan ay sugayaan inay ka daawadaan todobaadkaan gudihiisa Universal TV, STN TV, SOMALICHANNEL TV & SOMALISAT TV, ,Barnaamijka waxaa xiriirinayay mudane Cabdi Naasir Ismaaciil ''Sola''.

Macalin Tuke oo ka hadley halkaasi ayaa kaga mahadceliyay dadkii soo qaban qaabiyay iyo dadkii ka soo qayb galey, halkaasi waxaa abaalmarino lagu gudoonsiiyay marti sharaf ka soo qayb gashey xaflada oo lagu tilmaamey inay waxay u qabteen isboortiga Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Tuke ayaa gabagabadii qudbad qiimo badan ka jeediyay xaflada islamarkaana aan ku tilmaami karaa shaqsigii ugu qudbada wanaagsanaa xaflada intii ay socoto, wuxuuna sheegay inuu aad ugu mahadcelinaayo dadkii gacanta weyn siiyay sida Kaamil, Buuwe iyo Bakiin Maaxi iyo dabcan dadkii kale ee gacanta siiyay intii lagu jirey qabanqaabada barnaamijka xaflada soo dhaweynta.

Saaxiibayaal halkaan kuma soo koobi karo wixii ka dhacay barnaamijkaan qormooyin kale ayaa ka soo diyaarin doonaa, sida Maxamed Ismaaciil iyo Baana Cali.

SSPAMEDIA waxay xafladatan ku tilmaameysaa xafladii ugu wanaagsaneyd ee lagu qabto sanadkii 2011 ee isboorti magaalada London.

Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

Related Items


Leave a comment