Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay soo Hagaageyso xaaladda dadka Dhibaatada saameysay ee Soomaaliya.

Saturday November 19, 2011 - 11:13:58
0 Comments
905
Super Admin
Bayaan ay soo saartay Qaramamada Midoobay ayaa waxa ay ku sheegtay in 250,000 oo ruux oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin geeri kuwaasi oo ay sheegtay in hadii aan la badbaadin ay xaaladooda ay Tahy Mid halis Ah.
QM ayaa sheegtay in ay kasoo Reeyneyso xaaladda dadka ay abaartu ku saameysay Soomaaliya, iyadoo sheegtay in 3- gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabellaha hoose ay ku jirto macluusha halka Gobolada kale ay sheegtay ay Dadka ku nool ay Xaaladooda meel fiican mareyso.



Back Bowden oo ah u Qaabilsanaha Qaramada Midoobay dhinaca bini’aadanimada ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ay caqabad ku noqdeen in Gar gaarka uu gaaro dadka loogu tala galay taasi oo QM ay sheegtay in ay Mas’uul ka tahay Xarakada Al Shabaab oo ay sheegtay in ay hortaagan yihiin caawinta dadka Dhibaateysan Ee Soomaaliya.



Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen boqolaal ruux oo dan yar ah, iyadoo sidoo kale kumaan ruux ay ka barakaceen deegaanadooda kuwaasi oo ku barakacay gudaha dalka halka qaar kalana ay ku biireen xereeyinka qaxootiga ee dalalka dariska la ah Soomaaliya.


Xafiiska Warqabadka
Burtinletimes.com
Nairobi,Kenya

Related Items


Leave a comment