Xawaaladaha Soomaalida USA oo billaabay in lacaggahooda kala baxaya Bangiyada

Monday May 21, 2012 - 14:12:14
0 Comments
969
Super Admin
18003755283
18003755283
Xawaaladaha Soomaalida dalka Mareykanka qaarkood ayaa billaabay in ay lacaggahooda kala baxayaan Bangiyada dalkaasi kaddib markii ay uu Hakad galay wada shaqeynta Xawaaladaha Soomaalida iyo Bangiyada dalka Mareykanka.

Todobaadkii la soo dhaafay ayeey shaaca ka qaadeen milkiilayaasha Xawaaladaha Soomaalida dalka Mareykanka in ay lacaggahooda kala baxayaan Bangiyada dalkaasi, maadaama ay diideen in ay wada shaqeyn dhexmarto, taasi oo dhibaato xooggan u geysatay Soomaalida Mareykanka ku nool iyo kuwa gudaha dalka ku sugan.

C/raxmaan Maxamed Muuse oo ka mid ah Soomaalida Xawaalaha ku leh magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay in Todobaadkani si rasmi ah u billaabeen in lacaggahooda kala baxaan Bangiyada Mareykanka, si ay uga cadaadiyaan Hakadka ay galiyeen wada sheynta kala dhaxeysay Xawaaladleyda Soomaalida ah.

C/raxmaan ayaa sheegay in shaqsiyaad iyo Ururro Soomaalida ah ay lacaggo badan kala baxeen Bangiyada oo qiyaas ahaan gaareysa nus million Dollar, isla markaana ay sii socon doonaan cadaadiska la saarayo Bangiyada.

Dhinaca kale Soomaalida ku nool Mareykanka ayuu ugu baaqay in ay kala qeyb qaataan arrinta la xiriirta lacaggaha ay kala baxayaan Bangiyada, maadaama ehelladooda dalka Soomaaliya ku nool aysan wax kharashaad ah u diri Karin, taasina ay tahay mid aan la aqballi Karin.

Mashaakilka ka taaggan Bangiyada Mareykanka iyo Shirkaddaha Xawaaladaha Soomaalida ayaa soo billaabday horraantii sannadkan, iyadoo marar badan gudaha dalka Mareykanka ay ka dheceen dibed baxyo waa weyn oo looga soo hor jeedo cunaqabateynta Bangiyada ay ku hayaan Xawaaladaha Soomaalida.


Burtinletimes.com
buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment