Dhacdo aan horey loo arag oo ka dhacday Tv-ku yaala Masar kadib markii uu dhintay Wariye ka qeyb qaadanayay

Saturday July 14, 2012 - 16:52:35
0 Comments
1952
Super Admin
Wargeyska kasoo baxa Dalka Masar ayaa manta qoray dhacdo layaab leh oo ka dhacday Tv-kuyaala Dalka Masar kadib markii uu si kadis ah u geertiyooday Wariye ka qeyb qaadanayay Dood Live ah oo kasocotay Tv-kuyaala Dalka Masar .

Wariyahan dhintay oo ahaa Tifatire Wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa Dalka Masar kana soo qalinjabiyay Kuliyada Siyaasada Jaamac kutaala Dalkaasi ayaa xiliga uu geeriyoonayay waxa uu dood adag iskaga horjeedeen Sargaal katirsan Mucaaradka Dalka Siiriya.

TV-ga ayaa labadan Nin ku marti qaaday Dood looga hadlayay Xaalada Dalka Siiriya iyadoona Wariyaha dhintay uu taageerayay Madaxweynaha Siiriya Bishar Al-Asad halka ninka kale uu isna aad u taageersanaa Mucaaradka Siiriya si weyna u cambaareenayay una caayaya Madaxweyne Bishaar Al-Asad iyo Dowlada uu madaxda ka yahay.

Ninka Wariyaha ayaa Mucaaradka Siiriya ku sheegay kuwa wax magarato ah dalkoodana bur bur kuhaya isagooan Xusay in Bishaar Al-Asad uu yahay Hogaamiye wanaagsan ,kuna eedeeyay Mucaaradka kuwa qaran dumis ah isagoona sheegay in kacdoonka ay wadaan uusan la m id aheyn kii Masar ka dhacay oo kale kacdoonkoodana uu yahay mid qaran dumis iyo bur bur kusaleesan.

Sargaalka Mucaaradka Siiriya katirsan ayaa isna hadalo kulul isweedaarsanayeen wariyaha isagoona sheegay Madaxweynaha Siiriya in uu yahay Nin mujrim faasid ah oo dhibaato xoogan iyo xasuuq ku haya Shacabka Siiriya.

Xili Dooda socotay 13-Daqiiqo meel xasaasi ahna mareysay dadweynuhana soo buux dhaafiyeen qadadka Telfoonka si ay dooda uga qeyb qaataan ayaa mar qura waxaa goobtaasi ka dhacday arin naxtin iyo labyaab leh taa oo hakad galisay Doodii iyo Barnaamijmkii Telefishinka kasocday.

Waxaa mar qura dhacay Wariyihii Dooda ka qeyb galayay iyadooan ereyadii ugu dambeeyay uu ku hadlayay ay kamid ahaayeen Mucaaradka Dadka siiriya waxa ay sameenayaan ciqaab ay kala kulmi doonaan iyo hadalo kale oo kulul iyadoona Durbo ninkaasi uu goobta ku dhintay naftana ka dhacday.

Waxaa Ninkan loo maleeyay in uu suuxay balse markii dambe la ogaaday in uu dhintay NInkaasi iyadoona Sargaalkii Mucaaradka ahaa ee Dooda kala qeyb galayay ninka dhintay uu si carol eh u sheegay in Ninkaasi dhintay uu ku dhintay qaatumo xumo iyo hadalo kale kulul uu ku sheegay.

Arintan ayaana noqotay mid aad looga hadal hayo Dalka Masar iyo Siiriya iyadoona Warbaahinta Carabta ay warbixino ka qoreen dhacdadan ka dhacday Tv- laga leeyahay Dalka Masar

Related Items


Leave a comment