Qayllo dhaan ka soo yeertay hay'ada maareynta musiibooyinka qaranka

Friday July 27, 2012 - 06:32:38
0 Comments
1486
Super Admin
Hay’ada Maareynta masiibooyinka Qaranka ayaa hay’adaha kale ugu baaqday in la taageero dadka barakacyaasha ah.

kadib shir jaraa’id oo uu warbaahinta gudaha u qabtay Gudoomiyaha hay’ada Maareynta masiibooyinka qaranka C/laahi Maxamed Jimcaale oo shirjaraa’id kaga hadlay shirkiisa jaraa’id tira koob ay ku sameeyeen dadka barakacyaasha ee ku kala firdhisay daafaha magaalada Muqdishoisla markaana hay’adu ay dejisay qorshe hal xero sida badbaado oo kale leysugu geeyo dadka barakacyaasha ah oo weli ku soo qu qulaya magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay qeybiyaan raashiinka baqaarada u yaala kuwaas oo ay u baahanyihiin dadka tabaaleysan ee ku jira xeryaha qaxootiga Muqdisho isagoo hay’adaha qaar uu ku amaanay hawlaha musqul u sameynta barakacyaasha Guryaha kmg ah iyo biya u gelinta, sidoo kale waxaa uu gudoomiyuhu tilmaamay in dhowaan ay qorsheynayaan in meel qura oo lagu ogaan karo xaaladaha barakacyaasha la sameyn doono loona abuuri doono xirfado kaabi doona nolosha hada ay ku nool yihiin.

Hay ada maareynta masiibooyinka ayaa maalmahan wado dadaalo dib loogu adeegayo dadka barakaca ku ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo dhibaato aan sidaas u badnayn ku heysata xerooyinka barakacyaasha ee dalka iyadoo la shaaciyay in kuwa u baahan in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda loo fududeyn doono halka kuwa aan doonayna loo sameyn doono xirfado ay ku maareeyaan noloshooda.

Related Items


Leave a comment