SPEAKER IYO AFHAYEEN MAXAY KALA YIHIIN?

Friday August 31, 2012 - 16:32:41
0 Comments
4603
Super Admin
Maxamed Cusman Cumar
Maxamed Cusman Cumar
In muddo ah ba waxaan la rafanaayay in aan kala saaro oo haddii aan khaldanahayna la ii sheego labada magac oo Af-Ingiriiska lagu kala yiraahdo:
a. Speaker

b. Spokesman

Dastuurka cusub khodobkiisa 66d sida ku qoran, waxuu ku saabsanyahay doorashada “Afhayeenka iyo Ku-xigeenada Golaha Shacabka.”

Sida aan u malaynaayo, hadalkaas in laga soo tarjumay “Speaker” oo dalalka qaarkood, sida kuwa Ingiriiska iyo India, u istimaalaan halkii Guddoomiyaha Baarlamaanka. Haddii ay sidaas tahay, waxay ila tahay in si khaldan loo fahmay micnaha.

Sida aan weligey ku maqli jiray, hase yeeshee, aan shaki ku jirin in weli ay jiraan wax ii dhiman, “Afhayeen” waxaan ku ogaay in uu yahay qof u hadlaayo qof kale ama qof u hadlaayo xafiiska uu ka tirsan yahay. Si aan ugu qanco waxaan qaamuuska Colliins English Dictionary ka raadiyay waxa uu ku fisiray “Speaker”. Waakan midka ku aaday:

Speaker— The official chairman of a law-making body.

Waxaa kale oo aan fiiriyay fisiraadda

“Spokesman”— A person chosen to speak on behalf of another person or group.

Marka “Af-hayeen” oo khodobka 66d ee Dastuurka lagu sheegay in laga wado “madaxa baarlamaanka”, waxaan qabaa in fiiro dambe loo yeesho micnahiisa.

Sida saxa ah ee loo isticmaalo derejada (Title) “Afhayeen” waa sida hoos ku qoran oo aan tusaale ahaan u soo qaatay:

“Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng: Yariisow) ayaa Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay ...”

Haddii sida ku qoran Dastuurka “Afhayeen” laga wado “Madaxa Baarlamaanka”, Eng. Yariisow, maxuu noqonaayaa? Waa su’aal. Jawaabta waxay tahay in uu noqonaayo “Madaxa Dawladda”

Waxay ila tahay in darajada Madaxda Baarlamaanka rasmi ahaan laga dhigo “Guddoomiye” halka uu dastuurka kaga jiro oo saxaafadaha loo sheego in darajada rasmiga ah ee madaxa baarlamaanka yahay “Guddoomiye” oo aan ahayn “Af-hayeen” iyo “Guddoomiye ku-xigeenada” laguna beddelo waxa hadda khododbka 66d ku qoran.

Waxaa kale oo iyadana markasta saxaafadda isku qaldaan “Jamhuuriyadda” iyo “Dawladda”. Jamhuuriyadda waxaa madax u ah “Madaxweynaha”, Dawladda waxaa madax u ah “Raa’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha waxuu matilaayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Marka la sheegaayo waa in la yiraahdaa, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya”. Marar badan saxaafadda waxaay qortaa ama idaacadaha ka sheegaan marka ay madaxweynaha soo qaadaayaan “Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya”.

Matalan Kuwait iyo Falastiin title-kooda ma aha “Jamhuuriyad” waa “States”. Sidaas darteeda madaxdooda waxay kala yihiin “Amir Dawlat Kuwait” iyo “Ra’iis dawlat al Falastiin”. Soomaaliya “Dawladda” waxaa madax u ah Ra’iisul Wasaare oo Gole Wasiirro leh. Marka la leeyahay Madaxa Dawladda waxaa loola jeeda Ra’iisul Wasaaraha.

Marka waxaa ila fiican in marka madaxweynaha lasoo qaadaayo la yiraahdo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda” oo aan la dhihin madaxweynaha Dawladda ...

Soomaaliya ma aha sida dalka Maraykanka oo madaxweynaha isla asiga dawladana madax ka yahay.

Waxaa kale oon ku arkay Nuqulka Dastuurka oo ku jira Websiteyada qaarkood,

“CUTUBKA KOWAAD”

“Baaqa JamhuuriyadaFederaalka Federaalka Somaliya

Saddexda meel oo aan hoosta ka xariiqay waxay kale yihiin, “Federaalka” oo laba jeer la qoray iyo “Somaliya” oo laga jaray labadii shaqal dheeraa iyadoo xuruufaha kale sidoodii u shaqal dheeryihiin. Haddii weli laga la toosinin, waxaa hubaal insadarkii kowaad ee Dastuurka Cusubweli sidiisi u khaldanyahay. Dastuurka waa sharcigii ugu sareeyay dalka, haddii “Proof-Reading” oo dhab ah lagu sameynin, khaladaadka kale ee soo baxa oo ay ka cuslaan karaan kuwa aan kor ku sheegay, yaa loo saari doonaa?

Khaladaadka ka iman kara garaacida waxaa ku jiri kara kuwo hallis ah. Hal hakad oo meel aan loo rabin kaga ayaa qof naftiisa ku badbaadi kara ama lagu dili karaa. Sida tusaale ahaan: “hang him not, kill him” ama “hang him, not kill him”.

Waxaan qabaa Dastuurka Cusub intaan si rasmi ahaan loo daabicin, dib ay u aqriyaan dad aqrista ku fiican iyo shaqallada oo haddii la isku qaldo micnacii loogu talo galay koo ka geddisan yeelan karo.

Wa billaahi at Towfiiq.

MAXAMED CUSMAN CUMAR.

-----------------------------------------------------------------------------------------------------

Maxamed Cusman Cumar waa Danjire (hawlgab). Waxuu qoray dhowr book oo ay ka mid yihiin, The Road to Zero — Somalia’s Self Destruction — iyo Thge Scramb le in the Horn of Africa)

Email: mohd.osman75@gmail.com

Related Items


Leave a comment