Wasiirka arrimaha dibada oo kullan ka qayb galay magalada Afgooye,

Thursday January 10, 2013 - 21:49:47
0 Comments
1061
Super Admin
Kullan ballaaran oo ay ka qeybgaleen hay’adaha Ammaanka Qaranka iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayadoo kulankaasina looga hadlayey ammaanka guud ee gobolkaasi iyo sida looga hortagi karo tacadiyo ay kooxo ku labisan dareyska Ciidammada u geystaan dadka ku dhaqan magaalooyinka gobolka Shabeelada Hoose qaarkood.
Kullanka ayaa diirada lagu saaraayey tacadiyada loo gaysto dadka raydka ah isla markaasna ay u gaystaan dadka wata darayska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,ayada ay ballan qaaday hay'adda Amaan-ka Qaran ka Soomaaliyeed in qofkii lagu qabto arrintaas ay sharciga la hor keenaayo isla markaasna lagu qaadi-doono danbiga, Hada ka hor ayaa madaxwaynaha Qaranka Soomaaliyeed Hassan shiikh Mohamuud uu cadeeyey qofkii lagu qabto ama ay ku cadaato in uu kufsaday in la toogan doono taas ay isla maantayna ay cadaysay maxakamada Ciidanka qaranka oo ayaduna meesha maanatay Goob-joog-ahayd. Sida oo kale Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariim Huseen Guuleed aya aasaguna cadeeyey Muwqifka ay ka qaadatay wasaradda uu Hor muudka yahay asaga oo cadeeyey in uu la qabo madaxwaynaha qaranka . waxaa maanatay la wada qaatay in isku meel looga soo wada jeensado dadka darayska ciidanka wata in wax laga qabto.Kullanka ayaa wuxuu ko soo dhamaaday si NABAD ah , kala soco BT wixii soo kordha

Related Items


Leave a comment