Gawraca iyo gaalaysiinta diinta loogu gabbaday! W/Q Sh Axmed C/samad

Monday January 13, 2014 - 18:19:14
0 Comments
3623
Super Admin
Waa maqaal qiime badan oo Daawuud Alcutaybi uu kaga hadlay kooxda la magacbaxday DOWLADDA ISLAAMIGA EE CIRAAQ IYO SHAAM, kooxdaas oo ummaddii reer Suuriya isugu dartay dil, ihaanayn, gaalaysiin iyo cadaadis iyada oo adeegsanaysa magaca islaamka iyo jihaadka.

Kuma ekaan shacabka ee waxay gaalaysiisay oo laysay oo waliba maydadkooda suuraxumaysay mujaahidiintii iyo hoggaamiyayaashii ummadda.

Kooxdaani horay ayay u baabi’isay shacabka reer Ciraaq iyo mujaahidiintii cadawga iska caabbinayey. Waxay siiyeen dhammaan kooxaha mujaahidinta reer Ciraaq afar khiyaar kala ah: nasoo raaca ama hubka dhiga ama dalka ka guura ama waan idin laynaynaa!!.

Haddii aad u qabtid in bayaanada iyo fataawada laga soo saarayo baadinimada iyo fasaadka kooxdaan ay la gaaryihiin culumada caalam al-islaami ogow inay ku weheliyaan culumadii iyo mujaahidiintii reer Shaam ee dalkooda iyo dadkooda nimanku dhibayeen.

Waxaa kale oo baadinimada kooxdaan ka qaylinaya kooxdii Jabhatu Alnustrah ee Al-qaacida raacsanayd. Intaa waxaa dheer Dr. Ayman Aldawaahiri oo diiday faragalinta DAACISH iyo sheegashada Albagdaadi waxay ugu jawaabeen diido iyo afxumo.

Gabagabadii qoraalada is dabajoogga ah ee aan kasoo gudbiyo kooxda Al-shabaab ama kooxaha kale ee la afkaarta ah waxaan uga jeedaa in aynu dadka ku kadsoomay fahamsiino xaqiiqada waxaan ay ku lugo’een; si ay uga soo laabtaan iyo in aynu bulshada soomaaliyeed mar walba la socodsiino khataraha dunida ka jira; si aanay ugu qaldamin ama ugu kadsoomin.

Halkaan ka akhri qormadii Daawuud Alcutaybi:

W/Q Sh Axmed C/samad
Halgan.net

Related Items


Leave a comment