Ahmed Madoobe oo loo caleemo saaray Madaxwaynaha Maamulka KMG ee JUBBA

Monday January 20, 2014 - 21:11:00
0 Comments
1156
Super Admin
AHMED MADOOBE OO LOO CALEEMO SAARAY MADAXWAYNAHA MAAMULKA KMG EE JUBBA:

Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagu caleemo saaray Xalfad heer sare ah oo ka dhacaday Magaalada Kismaayo iyo gobalka Juba Hoose, Ahna caasumada Maamulka Jubba .

Siddeed bil ka hor ayaa Axmed Madoobe loo doortay madaxweynaha Jubbaland. Balse khilaaf soo kala dhex galay maamulkiisa iyo dowladda dhexe iyo iska horimaadyo ka dhacay deegaanka ayaa sababay inuu waqti dheer qaato caleema-saarkiisa.

Dowladda federaalka iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa heshiiyay kaddib wada-hadal maalmo socday oo dabayaaqadii August, 2013 ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Xafladda caleema-saarka oo si qurux badan loo agaasimay waxaa goob-joog ah xubno ka socda beesha caalamka, dowladda federaalka, urur goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Sweden, Itoobiya iyo danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya.

Ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Jaylaani Nuur Iikar, madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar iyo raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cali Geeddi ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ee ka qeyb-galaya xafladda.

DAAWO MUUQAAL

Related Items


Leave a comment