Amison oo xalay muqdisho ka samaysan Arinaan looga baran AKHRISO

Sunday March 16, 2014 - 07:40:28
0 Comments
1397
Super Admin

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISON ayaa Baaritaano Dad farabadan lagu soo qab qabtay Xalay ka Fuliyey Xaafada Xamar-jadiid ee Dagmada Wardhiigleey.

Ciidamada ayaa waxaa ay Howlgalkaas ku soo Xir xireen Boqolaal Dad ah oo dhalinyaro u badan,kuwaas oo intooda badan Xaafada Xamar-jidiid laga soo qab qabtay.

Dadka ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo qab qabteen ayaa waxaa la keenay Saldhiga Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir,halkaa oo uu xiligaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen “Muungaab”.

Dadka ayaa waxaa lagu sameeyey Baaritaan,ayadoona 25-ruux Ciidamada Amaanka ay la hareen,halka kuwii kalena la sii daayey.

Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyey Howlagalka Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay Xalay Magaalada ka Fuliyeen,waxaana Xusid mudan in Gudoomiyaha Gobolka oo wata Dharka Ciidanka uu qeyb ka ahaa howlgalka Ciidanka.

Related Items


Leave a comment