Ronaldo iyo Portugal oo usoo baxay Finalka Euro 2016-ka

Thursday July 07, 2016 - 02:13:07
0 Comments
1436
Super Admin


Gari laba nin kama wada qosliso, waa saaxiibo hadana mararka qaar waa xafiiltamaan, Kubada cagta ayaa sidaa usamaysan malahan saaxiib joogto ah mararka qaar baa sida saaxiibo loo yahay misana cadaw la isku noqdaa sida Ronaldo iyo Bale oo wada qaaday Champion-ka haatana uu ruux waliba matalayo hogaana u yahay Xulkiisa qaranka wadanka uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Hadaba waxaa maanta garoonka soo wada galay ninka Aduunka ugu qaalisan Gareth Bale iyo ninka dunida ugu wanaagsan Cristiano Ronaldo oo caawa ku guuleystay inuu kooxdiisa usoo saaro Finalka Euro Cup-ka 2016-ka.

Ciyaarta Wales iyo Portugal ayaa waxay ku bilaabatay dar dar iyo weeraro kala duwan ay isku qaadayeen labada dhinac waxaana la dareemi karay in Cristiano Ronaldo iyo xulkiisa Portugal ay ka muuqatay mid ay ka go’neyd ineey guul gaaraan halka Wales lafteeda ay dadaaleen balse laga awood roonaa.

Qeybtii hore waloow ciyaarta kululeyd hadana isku soo laabadkii koone lasoo qaaday ayaa C. Ronaldo madaxa gool ugu dhaliyey xulkiisa waxaana ciyaarta ay noqotay mid si wanaagsan oo heer sare ah ay hogaanka ugu qabatay reer Ronaldo.

Isla Ronaldo ayaa kubad uu u qaabeystay inuu shuud ku toogto goolka Wales waxaa dhexda ugalay oo wadadii ay kubadu ku socotay ka weeciyey Nani kaasoo shabaqa ku hubsaday, goolhayihii oo isku qaabeeyey inuu Ronaldo laadkiisa xooga badnaa ka qabto ayaa taasi Nani ka dhigay mid isaga iska leh oo goolkii labaad sidaasi ku keenay.

Ronaldo iyo xulkiisa Portugal ayaa 2 – 0 isaga reebay Gareth Bale iyo xulkiisa Wales waxaana uu haatan sugayaa Faransiiska iyo Germany kooxdii soo badisa ayuu finalka u fadhiyaa.

Related Items


Leave a comment