Police-ka Jubbaland Oo Howlgal kusoo qabtay edeysanayaal iyo Xashiish

Friday November 17, 2023 - 14:37:58
0 Comments
153
ahmed raajaa
KISMAAYO
Ciidanka PoliceJubbaland ayaa manta howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay laba eedeysane oo watay gaari lagu soo qariyay xashiish gaaraya 142-Kiillo.

Saraakiil u hadlay Police jubaland ayaa sheegay in Xashiishkaas lagu soo qabtay laba eedaysane iyo gaari loo yaqaan Afjiir, kaas oo waday ciidda lagu dhiso guryaha si ciidamada Ammaaka looga qariyo mukhaadaraadkaas.

Waxaa uu sarkaalka sheegay in ciidamada Police-kaJubbaland loo tababaray ka hortagga walxaha halista ku ah shacabka, waxayna mar kasta diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan dadka ka ganacsada wax yaabaha maanka dooriya.

Isagoo intaasi ku daray Ciidamada Police-ka jubbaland ay har iyo habeen u taagan yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga cid kasta oo isku dayda in ay khal-khal galiso amniga shacabka iyo kan dowlad goboleedka Jubbaland.

Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment