Turkigu muxuu u qabtay Somalia, maxayse wadaagaan?(Faallo)

Tuesday July 19, 2016 - 06:23:56
0 Comments
1659
Super Admin
Hadii aan dib u jaleeco saaxibtitimada Somalia iyo Turkiga, waxaa jiray Ganacsi Qarniyo ka hor u dhaxeeyay, dadka Soomaaliyeed iyo Dowladii Cusmaaniyiinta ee awood badan ku laheyd calamka , marna soo xukuntay wadamo badan oo dunida ka mid ah sida dalka Turkiga.

Soomaaliya waa dal ku yaal ,Geeska Afrika 100% dadkeedu Islaam yihiin, sidoo kale waa dalka Keliya ee aan laga helin qowmiyad ama Jaaliyad  ku dhaqanta Diin aan Islaam aheyn, waana daad dhamaantood haysta Madhabk  Suniga ah ee shaaficiga ah.

Dagaalkii 1-aad ee Dunida, waxaa jiray dalal badan oo Gumeystayaal ahaa oo tartan u galay sidii ay u qabsan lahaayeen Soomaaliya oo ah dal Istiraatiiji u ah isku socodka iyo dhaqaalaha Caalamka, lehna Badda ugu dheer Afrika, sidoo kale leh dhul beereed wanaagsan, waana tan soo jiidatay Indhaha Gumeystayaasha ilaa maantadan aan joogno.

Kala qeybintii uu Gumeysiga ku sameeyay Soomaaliya, ayaa loo tiriyaa dhibaatada aan dhamaan ee ilaa iyo maanta haysata Soomaalida.

Soomaaliya oo xili ahayd dowlada ugu xoogan uguna Qanisan Geeska Afrika, ayaa mar qura duntay oo dhulka gashay, kadib markii  ay guul badn ka hanatay dagaal ay la gashay mid ka mid ah Dowladaha jaark leh, balse aakhirkaa soo farageliyeen quwado shisheeye,una hiilayay  garb kale.

Dhanka kale Dagaal Beeleedyo mudo socday kadib, waxaa jiray deegaano ku dhawaaqay iney Somalia ka go’een, sida deegaanada Waqooyi oo la baxay Somaliland, balse  isku daygaasi lagu guuldareystay.

Iyadoo uu dalka Soomaaliya dhinac waliba ay ceegaagaan kheyraad fara badan oo dihin , oo weli si quman loogu faaideysan sida Gaas, Macdan, ayaa waxaa jiro Boqolaal Soomaaliyeed oo maalin walba u dhinta Gaajo iyo Haraad, kuna halaagma Badda.

Sidoo kale Soomaaliya oo leh Xeebta ugu dheer Afrika,kheyrad fara badn uu  ceeygaago Badeena   oo ah tan ua xeeb dher Afrika ,marka laga reebo K/Afrika  ,ayaa weli jirin cid isku dayday inay si quman uga manaafacaadsato oo  awooodin iney lasoo baxaan, waxaana taas badalkeeda ka faa’iideysto doowlado shisheeye.

Sanadkii 2011, markii ay Dowlada Somalia u qeylo dhaansatay Caalamka, markasoo qeybo kamid ah Koofurta Soomaaliya abaarta xun ku dhufatay, Turkiga waxa uu ahaa wadankii ugu horeeyay ee uu u soo Gurmada Soomaaliya, iyadoo R/wasaarihii Turkiga xiligaasi  Rajeb Dayib Ordogaan iyo qoyskiisa, ay soo gaareen Muqdisho, iyagoo booqday Xeryaha dadka kasoo barakacay abaarta.

Wixii markas ka danbeeyay Turkiga, waxa uu bilaabay Kaalmo aan kala joogsi lahayn, sidoo kale waxa uu bilaabay mashaariic horumarineed, waxa uu dhisay Iskuulo, waxa uu deeq waxbarasho siiyay Kumanaan arday Soomaaliyeed, waxa uu dhisay Isbitaalo, waxa uu dhisay wadooyinka Muqdisho, waxa uu soo magacaabay Safiir, sidoo kale Turkih Airline oo ah Diyarad Caalami ah ayaa Duulimaad toos ah oo Isku xira Muqdisho iyo Stanbul bilaawday.

Intaas kuma ekaan Turkiga ee xitaa waxa uu dib u dhis ku wadaa Ciidamada Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu tababar u wadaa qeybo kamid ah Ciidamada Cirka Soomaaliya.

Si la mid ah Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya ka wada mashaariic dib loogu dhisayo dalka oo mudo 22 sano ka badan dagaalo ka jireen, laakiin wadada waa mid dheer kahor inta aysan Soomaalida dareemin Xasilooni iyo amaan.

W/Q Muktaar

Related Items


Leave a comment