Somaliland oo sheegtay ina cafis u fidisay Siyaasiinta Mogdisho kajooga (video)

Sunday August 14, 2016 - 06:50:36
0 Comments
1243

War ka soo baxay maamulka Somaliand ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliand Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu cafis u fidiyay Siyaasiinta ka soo jeeda Deegaanada Somaliand ee ku Sugan Muqdisho.

wasiirka Warafaafinta Maamulka somaliand Cusmaan C/llaahi Saxar-Diid oo Wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargeeysa Ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu cafis u fidiyay siyaasiinta islamarkaasina uu aad u daneeynayo.

"Siyaasiyiinta reer Somaliland ee ku sugan Muqdisho ee ka soo jeeda Somaliland cafis ayuu u fidiyay Madaxweynaha, daad-gureyntoodana diyaar ayaan u nahay, Waxaa leenahay walaalaha Xamar naga jooga wax idin yaalla halkaas ma jirto, baaqa Madaxweynaha idin fidiyay ka faa’iideysta karaamo halkaas kuma leedihiin ee halkan ayaad ku leedihiin” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo warbaahnta kua hadlay magaalada Hargeysa.

Dhowaan Siyaasiinta ka soo Jeeda Deegaanada Somaliand ee ku sugan magaalada Muqdisho Ayaa qaadacay Shirkii madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho ku soo idlaaday.

Related Items


Leave a comment