Baarlamanka Jubbaland Oo u yeeray Axmed Madoobe

Saturday August 20, 2016 - 08:08:24
0 Comments
2514

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Sheegay in Goordhow la filayo in Baarlamaanku hortago Madaxweyne Axmed Madoobe oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Jubaland.

Waxyaabaha Ugu Badan ee Wax laga weydiinayo Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kamid ah, Go’doonka kujira qaar kamid ah Wadooyinka Deegaanada Jubaland iyo Sida laga yeelayo Gobolka Jubada Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa Wax lala yaabo ku tilmaamay in Xarakada Al-Shabaab Wali Gacanteeda Kujirto Gobol Dhan tas oo dhabar jab ku ah Maamulka Axmed madoobe.

Sheekh Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in sidoo kale Baarlamankooda uyeerayo Saraakiisha Laamaha Amaanka Jubaland si wax looga weydiiyo dhibaatooyin laga tirsado Ciidamada Jubaland kuwoo kusugan Magaalada Kismaayo.

Kulamadii baarlamanaka Jubbaland ayaa Shalay dib ubilaabmay waxaana Xildhibaanada laga dalbaday iney soo Xaadiraan Kulamada Baarlamaanka Maamulka Jubaland ee Somaliya

Related Items


Leave a comment