KA JOOG SHAABBADAYNTA GURRACAN

Sunday April 23, 2017 - 16:04:55
0 Comments
1606
Takfiir iyo Assaaciduun Bil Xaq waxay kasoo dabqaateen rag markii hore Ka mid ahaa Ikhwaan Muslimiinkii uu xabsiyada ku cadaadiyay Jamal Cabdinasir oo qaattay mabda'aan gaalaysiinta muslimiinta; Marka ma waxaa la dhihi karaa xarakatul Ikhwaan baa dhashay?
Labada xarako ee Al-jihad iyo Aljamaca Al-Islaamiya ee masar ka samaysmay markoodii hore waxay Ka tirsanaayeen xarakada Al-Ikhwaan Almuslimuun. Marka ma waxaa la dhihi karaa xarakatul Ikhwaan baa dhashay? 


Markii labadaas Xarako iyo ciddii soo raacda ay Afghanistan aadeen dagaalkii Soviet Union lugula dagaallamayay Ka dibna ayaga iyo qaar Ka mid ah salafiyiintii khaliijka Ka tagay isku biireen oo Alqacida sameeyeen; ma waxaa la leeyahay Alqacida waxaa dhalay Ikhwaan/Salafiya?

 


Ninka la yiraahdo Waasil Ibn Cadaa' wuxuu wax Ka bartay Al Imaam Xassan Albasri, Ka dibna wuxuu billaabay firqadii muctazilada; marka ma waxaa la dhahayaa muctazila waxaa dhalay Xassan Albasri? Kaba sii hore ee markii Khawaarij ay soo bexeen oo Amiirul Mu'miniin Allah haka raalli noqdee la dagaallameen markii horana ay Ka tirsanaayeen ciidankiisii; ma waxaa la leeyahay Khawaarij Cali Bin Abi Dalib bay kasoo jeedaan ama kasoo farcameen?


Waa arrimo lala yaabo iyo taxliil aad u gurracan oo ujeeddo ceebeyn iyo xumayn ah laga leeyahay. Waxaan arkay dad intay hadallada sheekh Umal iyo Sh Shible soo jarjareen dhahaya Takfiir ayakuu ka yimid ama Ka dhashay. Ujeedadooduna tahay inay sawiraan calaaqo aanan jirin waxa looga gol leeyahayna ay tahay sumcad dilid.


Qof kii wax qaldan la yimaada asagay gooni ku tahay waana sida quranka ku cad.

وَمَنْ ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۚ وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ


 

Laakiin qof bari' Ka ah in la xagxagto ayadoo dano gurracan la rabo in lugu gaaro waa daciifnimo iyo ceeb mara dhac ah. Ha ogaado qofkaasi eedda aan salka lahayn u jeedinaya culumada inuu dambi wayn xambaartay. 
وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ بِغَيْرِ مَا اكْتَسَبُوا فَقَدِ احْتَمَلُوا بُهْتَاناً وَإِثْماً مُّبِينا.

 


Ogow qof walboow waxa aad qorto waa Taariikh waana fallaar aanan gilgilasho kaaga haraynin.


Imam Yusuf Abdulle

BIC- Masjid Altaqwa

Related Items


Leave a comment