Madaxweyen Laftagreen oo Xildhibaanada KGs isugu yeeray

Wednesday January 20, 2021 - 23:41:46
0 Comments
325
Nasteeh Bare
Warar Horu dhac ah ayaa sheegay in amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen la gaarsiiyay Xildhobaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo ahaa in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan Baydhabo.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in lagu wargeliyay in ay deg deg ku soo laabtaan Baydhabo si loo qabto kulamada baarlamaanka.

Tani waxay tilmaameysa in ay suurtagal tahay in xubnahaan ay billaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS xili ay dood wali ka taagan tahay doorashada Soomaaliya.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa umuuqda inuu qaban doono doorasho muran badan uu ka taagan yahay, in kastoo uu dhawaan sheegay inuu isku day dhex dhexaadnimo kasamayn doono arimaha taagan.

Aqoonyahano Reer koofur Galbeed ah ayaa dhankooda aaminsan in Madaxweyne Lafta Gareen aanu qaban doonin doorasho aan raali lagawada ahayn balse talaabooyinka uu qaadayo ay tahay inuu ku maaweeliyo kuna seexiyo madaxda Villa Somaliya oo doonaysa qabashada doorashada.

Dhinaca kale Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-shabeelle Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ku heshiiyeen in aysan ka qeyb noqon doorasho aan heshiis lagu aheyn.

Labadan Madaxweyne ayaa sheegay in aysan marna qaban doonin doorasho aan lagu heshiinin islamarkaana ay jirto heshiis u gaar ah oo ay wada-qaateen, sida aan xogta ku helnay.
Go,'aankan ayaa yimid kadib markii ay cadaadis kala kulmeen siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee ka soo horjeeda Villa somalia,
Qoorqoor iyo Guudlaawe ayaa xal uwaayay hirgelinta doorashada ay doonayaan madaxda dawlada federaalka.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa dhankooda si aad ah uwaday saacadihii ugu danbeeyay dadaalo ladoonayo in la isugu keeno dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya, waxay xiriiro lasameeyeen dawlada dhexe ,maamul goboleedyada iyo musharixiinta.

Ugudanbeyn waxaa lafilayaa in xal lagaaro ka hor 8da Feb. oo ah maalinka uu ku eg yahay mudo xileedka Madaxweynaha.

Related Items


Leave a comment