Dhalinyarada Gobolka Mudug Ee Daawada Sportiga Oo U Kala Qaysamay England vs Italy

Monday July 12, 2021 - 15:51:09
0 Comments
296
Galkacyo


Dhalinyarada soomaaliyeed ee Ku dhaqan magaalada Galkacyo ayaan ku kala qaybsanaa Ciyaartii Xalay ka dhacday garoonka kubada Cagta Wembley ee magaalada London ee dalka boqortooyada ingiriiska, qaar kamid ah dhalinyaradaas ayaa sheegay in England ay Ciyaar soo bandhigeen lakiin nasiibku uu ka hiiliyay.

Halka qaar kale Oo dhalinyaradaas kamid ahna ay tilmaamayaan in Xulka Italy ay sanadkaan dadaal dheeri ah ay muujiyeen madaama Cup-kan UEFA ay ugu danbeeysay sanadku markuu ahaa 1968-dii oo iminka ay kasoo wareegatay 52-sano.

Dhinaca kale dhaliyarada soomaaliyeed ayaa Ku dagaalama tageerada kubada Cagta taas oo keenta mar marka qaar in La isku soo qaato hub sida ullo, toreeyo, qoryo islamarkaasna ay isku raadsadaan xaafad xaafad iwm.

Sikasta Hanoqotee Bahda sportiga Somaaliya ayaa aad ugu kala qaybsan Xulalka qaaradaha Aduunka iyo Naadiyada ka kala dhisan dalalka yurub madaama aysan jirin in dalkeena uu ka muuqdo Garoomada Caalimiga ah.

Axmed Max'ed Rajaa
Meeraysane.com
Galkacyo

Related Items


Leave a comment