Sheeko Kooban Oo Ku Saabsan Xaywaanka Geriga Loo Yaano

Friday July 16, 2021 - 14:43:55
0 Comments
373
Africa

Jimce wanaagsan asxaabta inagala socota meeraysane.com meel kasta oo aad dunida ka jootaan, maanta waxaan rabnaa in aan sheeko gaaban idinka siino xaywaanka Geriga oo kamid xaywaanada u Cajiibsan Caalamka.

Gerigu waxaa uu kamid yahay Naasleeyda duur-joogta ah oo sida La yiri weli Ku sii nool dhulka Cawsleyda ah ee qaarada Africa gaar,ahaan tanzaniya iyo wadamo kale.

Waxaana uu kamid yahay xaywaanka gooni daaqa ah oo dadkii hore ay qadarin jireen sababo ah abuuristiisa Allaah oo  fajac iyo cibra-qaadasho ay ku sugan tahay. 

Dadka aduunyada Ku nooli aad ayeey u xiiseeyaan aragtidiisa gaarka ah ee ka duwan xaywanaadka kale ee Naasleeyda ah bal mar kale dheeho sida Allaah u buuray.

Waxyaabaha goonida u ah waxaa kamid ah xaywaankan inuu yahay midka ugu dheer wixii berriga Ku nool, sida La sheegay waa xaywaanka ugu caloolaha badan, Waxaa uu leeyahay luqun dheer iyo misko gaaban, dhirtana waxaa uu ka daaqaa baarka sare. 

Geriga Isaga oo aan cabin biyo ayuu noolaan karaa muddo dheer, midabkiisu waa mid mucjiso ah oo ciidamada ayaa direyskooda kumatalay, waana mid xaywaana kale ka qurux badan .

Axmed ma'xed Rajaa
Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment