Faallo Ku Saabsan Xaywaanka Dilaaga Ah Ee Libaax

Friday September 24, 2021 - 14:13:32
0 Comments
862
Libaax

Jimce wanaagsan waa Bahdii Meeraysane.com oo Maanta wax ka tilmaamaysa Xaywaanka Naaslayda ah ee libaaxa.

Libaaxa waa Boqorka Xaywaanka waxaa sidaasi Loo yiri waa Geesi Dilaa ah, inta badana waxaa uu Ku nool yahay keymaha dhexdooda.

Libaaxa waxuu u kala baxaa Lab iyo dhadig soomaaliduna waxaa ay u kala taqanaa Aar iyo Gool, ilaha yar-yarna waxaa loo yaqanaa Cagabaruur.

Libaaxa Goosha Ah hal mar ayey dhashaa sedex oo keliya sida la ii sheegay dhinac Cimriga waxaa uu Garaa ilaa 17- Sanadood qiyaas ahaan.

Waa Xaywaan dilaa ah libaaxa oo Bareer iyo Gaadmo labadaba wax Ku dila, Lakiin waxaa uu leeyahay  Axdi ama Balan oo qofkuu bad baadiyo inuusan sheegin ayuu kula balamaa madaama u soo cid galay.

Dadka Soomaaliyeed Ruuxa Ay La yabaan kartidiisa waxay yirahdaan waa libaax, sidoo kale sugaanta ayaa lagu faaniyaa sida Gabayada, Geraarka, heesaha iwm.

Sidoo kale Maah-maah soomaaliyeed ayaa tiri Libaax Nimaan Aqoon baa Lax Karita, ileen aqoonba uma Laban, tariikhada libaaxa lama soo koobi karo ee maanta intaas ha inoo joogto.







W/D Axmed Rajaa
Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment