Ugu yaraan 30-ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Magaalada Peshawar Ee Pakistan

Friday March 04, 2022 - 16:38:01
0 Comments
303
PESHAWAR

Ugu yaraan 30-ruux ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masjid ay shiicadu ku tukanayeen salaadii jimcaha magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan.

 

Weli ma jiraan wax faahfaahin ah oo ku saabsan weerarka ismiidaaminta ah iyadoo ay jiraan daraasiin dad ah oo ku dhaawacmay qaraxa manta ka dhacay masaajidkaas.

 

Weli Ma jirto cid  sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ah mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka pakistaan.


Meeraysane.com


 

 

Related Items


Leave a comment